Xildhibaano Laga Cayriyey Garoonka jomo kenyatta

Ugu Yaraan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Mudane-yaasha Baarlamaanka Dowlada Ku Meelka ah Ee Somaliya ayaa laga soo cayriyey Saaka garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta international Airport Ee Magaalada Nairobi, Xildhibaanada ayaa hore logu sheegay in aay u socdaali doonan Magaalada Muqdisho, iyada oo loo sheegay in Liiskooda u yaalo Garoonka Diyaaradaha Ayna raaci doonan Diyaarada Jubba Airways

Xildhibaanada ayaa habeenimadii xalay garoonka Iska Xaadiriyey iyada oo Saaka loo sheegay in ay dib ugu noqdan halkii aay ka yimadeen Isla markana u Boolisku ka soo cayriyey Garoonka, Arrinkan oo ku noqday Xildhibaanada Qeybtood la yaab iyo Fajac, Halka Qaarka kalena u arkeen Wajigabax iyo Sharaf Xumo soo gaartay

Lama oga sababta keentay In Xildhibaanadan hore logu sheegay in aay bixi doonan dib logu soo celiyey iyo Ujeedada arrinkan ka dambeysa

Dhanka Kale Weli Safaarada Dowlada Federaalka KMG ee Nairobi kama hadlin arrimahan