Gelinkii dambe ee Maalinimadii Shalay Ayaa dib logu celiyey magaalada Laascanood 55 arday oo ka mid ah 65 qof ee lagu qabtay Mudaaharadii 6 Bisha ka dhacay Magaalada Laascanood, Dhalinyarada ayaa laga qaday Sawiro, Sidoo kalena waxa aay saxiixeen Qoraalo kuwas oo aay ku Qoran yahiin in aysan dib dambe ugu noqon doonin Fal noocan oo kale ah hadii aay ku noqdana laga qadi doono Talaabo cad
Dhalinyarada la qabtay Lixdii Bishan ayaa lagu soo qabtay Mudaaharado aay ka dhigeen magaalada Laascanood, kaasi oo aay uga soo horjeeden Xarig loo Geystay Macalimiintooda, Waxana loo gudbiyey Xabsi ku yaala Magaalada Ceynaba Halkaasi oo aay ku Xirnayeen Muddo Labo Cisho Ah
Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Ayaa Toddobadii Bishan Dhalinyarada ku booqday Xabsiga iyaga oo u sheegay in la fasaxi doono, balse loo bahan yahay in aysan dib ugu noqon falalkii aay ku dhaqaaqeen Maalinimadii Sabtida, Sidoo kale Taliyaha Booliska Saldhiga dhexe ee Laascanood ayaa sheegay in Dhalinyarada la fasaxay hadii aay dib ugu noqdan Falkii Lixda Bisha mid la mid ah lala tiigsan doono Sharciga, madama laga hayo Sawiro Iyo weliba Qoraalo aay saxiixeen
Lama oga halka xaalkoodu ku dambeyn doono Tobanka kale ee ka haray 65 Dhalinyaro ee lagu soo qabtay Mudaaharadkii Laascanood
Filed under: Wararka | Tagged: Magaalada Laascanood