Bisad la nool Dhakhtar ayaa sii sadaalin karta qofka dhimanaya ee ka mid ah Bukaanka la keeno Guriga Xanaanaynta dadka waaweyn ee xanuunsanaya Sawiro+Daawo
Bisadan oo lagu magacaabo Oscar oo uu leeyahay Dr David Dosa oo ay kuwada Nool yihiin Steere House oo Bukaanka lagu xanaaneeyo kuna yaala Gobolka Rhode Island ee dalka Maraykanka

Bisadan ayaa sanadkii 2007 Saxaafada Maraykanku aad uga sheekesay markii ay soo shaac baxday inay sii sadaalinayso qofka Bukaanka ka midka ah ee dhimanaya
Laakin Dr Dosa ayaa hadda sheegaya in wakhtigaas ay bisadu ku guulaysan jirtay Boqolkiiba Shan iyo Labaatan uun inay run noqoto Sadaalinta ay samaysa balse ay hadda tahay Boqolkiiba Konton

Dr Dosa oo buug ka qoray Bisada Oscar ayaa sheegay inay tahay waxaan caadi ahayn inay bisadu Sadaaliso Dhimashada Bukaanka balse tani ay noqotay mid Caawisay Shaqaalihiisa
Filed under: Uncategorized | Tagged: La Yaabka Dunida