Burcad Badeeda Iyo Dowlada Puntland Oo Heshiis Kala Saxiixday

Dowlada Puntland ayaa sii rasmi ah maanta heshiis ula gashay Mas’uuliyiin ka tirsan Kooxaha Burcad badeeda Somalida, Waxana Heshiiska lagu kala Saxiixday Maanta Dekeda Weyn ee magaalada Bosaso, Burcad badeeda ayaa Heshiiska lala saxiixday waxa u ka kooban yahay Afar Qodob kuwas oo isagu jira kuwa Puntland fulin doonto iyo weliba Kuwa Burcad badeedu fulin doonto, Wasiirka Amniga Xaaji Cabdullaahi Saciid Samatar Iyo Afhayeenka Burcad badeeda Mahad Yusuf Bille ayaa heshiiskan u kala saxiixay labada dhinac, iyada oo aay goob joog ka aheyn Xurunta Wasaarada Dekedaha aay ku leedahay Dekeda Bosaso Ganacsato Iyo weliba Odayaal, Waxana dadka goobta joogay ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Agaasimaha Guud Ee Rugta Ganacsiga, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Iyo weliba Xubno Sar sare oo ka tirsan Burcad badeeda

Heshiiska ayaa Qodobada Lagu heshiiyey waxa ka mid ah

  1. In Burcad Badeedu Aysan Afduubi Karin Doonyaha u soo socda Dekedda Bosaso
  2. In Burcad Badeedu aysan ka duuli karin degaanada ku dhow dekedda Bosaso
  3. In aan Dowladu wax weerar ah ku qadi karin Mas’uuliyiinta Burcad badeeda Aysana Xiri karin
  4. In Dowladu Ay Burcad badeeda lagu soo wareejiyo aay Cafis u fidiso

Lama oga waxa arrinkan ka bedeli doono Xiriirka Puntland iyo Beesha Calaamka, oo in dhowaalaba iyagu aha kuwa ka wada shaqeya la dagaalanka Burcad badeed