Kadib Kulan qatay Muddo Bil ka badan oo aay wada lahayeen Odayaasha Beesha Dubeys Iyo Hoggaamiyaha lagu tiriyo inu xiriirka la leyahay Alqacida ee Maxamed Saciid Atam ayaa la isku fahmay sidaa aay sheegen qaar ka mid ah Odayaashi Kulanka ka qeyb galay, Maxamed Faarax Gandarshe oo ka mid aha dadkii kulanka ka qeyb galay Ayaa u sheegay Somalifans Online in Maxamed Atam u Ogoladay Qaar ka mid ah Qodobadii aay hordhigeen, Isaga oo sheegay inu Sidoo kale Atam Casumaad u fidiyey Dr Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynaha PL
”Sheekh Maxamed Saciid Waxa u naga aqbalay Qaar ka mid ah Qodobadii aan u soo bandhignay in kasta oo aan la dhahi karin waa wada ogoladay dhamaan, Sidoo kale waxa u sheegay inu Caasumaad heer sare ah dhigi doono Tuulada Galgala, taasi oo u ku caasumayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, Iyo weliba Qaar ka mid ah Issimada Waweyn ee Pl, Waxana u noo muujiyey inusan isagu wax xiriir ah la laheyn Alqacida, balse taasi lagu been abuurtay” Ayuu yiri Gandarshe

Dhanka kale Waxa u Sheegay Maxamed Gandarshe in Shirkii Galgala u xiligan joogsaday lana suugayo Imanshaha Madaxweynaha Puntland, oo la filayo inu isaga iyo Wafdi balaaran oo u Hoggaaminaya aay Booqasho ku tagan Tuulada Galgala ee Gobolkan Bari
Atam ayaa dad badan oo Reer Puntland ah u arkaan nin Dhibaato weyn u geystay Shacabka, in kasta oo Dowlada Faroole dooneyso inay heshiis la gasho Atam Iyo Kooxdiisa

BBC Subax


Gabaygii
Rayiga Akhristaha