Wasiirka Arrimaha Dibada ee Japan Katsuya Okada Ayaa sheegay Maanta oo Isniin ah in dowlada Japan aay ugu deeqeyso Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya Lacag dhan $35.2 Milyan Oo Dollarka Mareykanka ah
Katsuya Okada ayaa sheegay in Dowlada Japan aay dooneyso in lacagtan wax loga qabto Adeegyada dowlada, Sidaa dhismaha Ciidanka Booliska Iyo weliba arrimo kale oo badan
Taageerada Dowlada Japan ee Dowlada Federaalka KMG ayaa aheyn midii ugu horreysay ee dowladaha Calaamku ugu deeqan Dowlada Sheekh Shariif, iyada oo hore dowladaha Mareykanka Iyo Jarmaalku aay taageero midan la mid ah aay ugu deeqeen Dowlada u Hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Filed under: Wararka | Tagged: Dowlada Japan