Agaasimahii Idaacada Radio Daljir ee Degmada Qardho Md. Muxuyadiin Hiiraad Kaatun ayaa Abaare 2 Duhurnimo ee Maanta Xabsiga loo taxaabay, isaga oo weliba sii xun lola dhaqmay, Ciidanka Sirdoonka oo loo yaqano PIS-ta ayaa Wariyaha ugu soo galay Gurgiisa iyaga oo rasaas ku furay Xaafada u degan yahay
In kasta oo Rasaastu aysan isaga wax yeelin hadana waxa jira in Gurigiisa aay ka soo gaartay Khasaaro badan, Daqiiqado ka hor ayaa la sheegay in la soo fasaxay Wariyaha, kadib muddo Saacad ka badan oo u Xabsiga ugu jiray Ciidanka Sirdoonka ee PIS-ta loo yaqano
”Waxa ii soo galay In ka badan 30 Askaari kuwas oo aniga oo Gurigeyga jooga rasaas iyo Dagaal ilaa yimid, waxa la ilaa dhacay Qoriga Bagiisa dambe, Sidoo kalena Gurigeyga waxa lagu furay Rasaas, Ma aqaani sababta, ilaa hadana la ima sheegin, Markii Xabsiga la ii geyana waxa ii Yimid Taliyaha PIS-ta Gobolka Karkaar Cumar Afdiinle, wuxuu igu yiri Waanu kugu khaldanay, Askaarigii ku xiray (Maxamed Shimbir) isagu hada waa xiran yahay, waxana loo xiray Khaladka u ka galay dartii, Waana Fasaxan tahay, balse anigu ma fahmin sababta Xarigeyga, iyo waxa la igu heysto, waxan ahay nin Masuul ka ah Idaacada Daljir Qardho ahna Suxuufi Muddo dheer ka hawl galayey PL, Mana aqaano Sababta Khaladkan maanta keentay oo dhibaatada la igu gaarsiyey” Ayuu yiri Muxuyadiin Hiiraad Kaatun
Lama oga Sababta dhabta ah ee ka dambeysa Xariga Agaasimaha Daljir Qardho Muxuyadiin Hiiraad Kaatun, in kasta oo aay la yaab aheyn Xarigiisu madama PL aay dhaqan u tahay Dhibaatada iyo jirdilka Wariye-yaalka ka hawl gala halkaasi oo iminka u muqda kuwa daacad u noqday oo isku dhiibay Maamulka Dr Faroole u Hoggaamiye
Muxuyadiin Hiiraad Kaatun Waxa u ka mid yahay raggii ugu horreyey ee Saxaafada Pl ka bilaaba, isaga oo Wariye ka soo noqday jornaaladii ka soo bixi jiray PL, Sidaa Yool, Soyaal Iyo weliba Idaacadaha SBC Bosaso, STN Bosaso, Iyo weliba Daljir Qardho oo u hada Agaasime ka yahay
Tan iyo markii la doortay Faroole waxa dhibaato badan ka heysata Saxaafada Pl sidii aay sii xor ah uga hawl geli laheyd Degaanada Maamulku ka taliyo, waxadna mooda inu Dr Faroole ku fashilmay la dhaqanka Saxaafada Xorrta ah oo u muuqdo Hoggaamiye Kaligii Taliye ah oo aan Ogoleyn Xorriyada Hadalka Iyo Fikrado is Weydarsiga
Filed under: Wararka | Tagged: Agaasimaha Daljir Qardho
Khasab ma aha inaan fikir kasta soo bandhigno, Waxad ogata inaan Fikir kasta aanu aqbali doonin, In kasta oo aan Ra’yiga Shaqsiga Qiimeyn weyn u hayno, hadana ma aha khasab inaan soo bandhigno rayi kasta