Xarakada Alshabaab ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub fara badan iyo Sarkaal ay sheegeen in uu ka soo goostay Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah ee Somaliya
Hubkaan ay soo bandhigeen Xarakada Alshabaab ayaa ah oo tiro ahaan 50 Qor Oo Nooca Ak47 ah iyo Sarkaal magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur ayaa lagu soo bandhigay maanta Xeraadii hore ee Guulwadayaasha oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab
Baashi Axmed Urur oo ah sarkaalka la sheegay in uu ka soo goostay Dowlada SOmalya oo saxaafada la hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada DFKMG ee ku sugnaa Warshadii hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir isagoona shaaca ka qaaday in saraakiil uu ku jiro iyo ciidamo kale oo qaarkood dhawaan lagu soo tababaray wadanka Jabuuti ay go’aansadeen in ay isku soo dhiibaan Xarakada Shabaabil Mujaahidiin
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo isna Saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarsiinayn ciidamada iyo Saraakiisha isku soo dhiibta islamarkaana qaarkood tasiilaad ay siiyaan qaarna ay dagaal kala horjeestaan dad uu ku tilmaamay cadow sida uu hadalka u dhigay isagoona ugu baaqay ciidamada kale ee Dowlada inay isa soo dhiiban
Hadalka Afhayeenka Iyo is Dhiibtaanka Sarkaalkan ayaa weli aysan ka hadlin Dowladu, in kasta oo aay mar kasta caadi tahay in labada dhinac aay Sarkiil iyo Ciidamo aay u kala goostan

BBC Subax


Gabaygii
Rayiga Akhristaha