Xaflad Lagu Caleemo Saarayay Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland Oo Ka Dhacday Magaalada Nairobi

Xaflad aad loo soo agaasimay laguna Caleema Saaraya Gudoomiyaha Guddiga Jaaliyadda Puntland ee Dalka Kenya Mudane C/rizaaq Maxamed Cabdulle ayaa Maanta ka dhacday Magaaladda Nairobi gaar ahaana Hoolka Anduluus ee Daarta Eastliegh Mall halkaasoo ay soo xaadireen Boqolaal Dad ah oo ruxayay Calanka Soomaaliya iyo kan Puntland +Sawiro

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Xildhibaano ka kala socday Dowladda KMG,iyo Puntland,Ganacsato,Aqoonyahano,UruraddaBulshadda,Odayaasha,Cuqaal,Haween,Dhalinyaro,Culamaa’udiin, Abwaano,Bahda Saxaafadda iyo dhamaan bahweynta Puntland ee ku dhaqan Dalka Kenya

Gudoomiyaha oo hadalo ka soo jeediyay Xafladda ayaa Dadweynihii goobta ku sugnaa uga warbixiyay Wax qabadka iyo Hor Marka Lixaadka leh ee uu doonayo inuu ku talaabsado Urur-ka Jaaliyadda Puntland ee Dalka Kenya asagoona sheegay inay soo bandhigayaan wax qabad fiican si ay ugu adeegaan Shacabka,Dalka iyo Dadka Reer Puntland-ba waxaana uu Codsatay in la garab is taago si ay hor u socod u sameeyaan

Gudoomiye C/rizaaq Cabdulle ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay doonayaan in Mustaqbalka dhow u qabtaan Bulsha Weynta Puntland ee ku nool Dalka Kenya waxaana uu sheegay inay ka caawin doonaan Waxyaabaha Baahidoodu baddantahay ee hoos ku xusan

1- Waxbarashadda

2- Sharciga

3- Caafimaadka

4- Shaqo Abuuris

5- Isku Xirka Bulshadda Reer Puntland Ee Kenya.

6-Wacyi Galin

7- Iyo Waxkasta oo Muwaadin Reer Puntland ahi u Baahanyahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Arrimahaas oo dhan ay kala kaashan Doonaan:-

1- Hay’addaha UNHCR iyo UNDP kuwaasoo ay xiriiro la sameeyeen.

2- Jaaliyadda Dalka Japan ee Kenya

3- Jaaliyadda Reer Puntland ee Canada

3- Iyo u qaabilsanaha Xafiiska Jaamacadda Carabta Dhalinta Carabta ee Africa Cisi Diin Cabdi Jaliin Cabdul Xaq.

Ganacsatadii Aqoonyahanaddi iyo Xildhibaanaddi ka soo qayb galay Xafladda ayaa dhamaan ku dhawaaqayn inay taageerayaan Jaaliyadda Cusub ayadoona intii Gudoomiyuhu Xafladda wada Boqolaal Dad ah Gudoonsiinayeen Ubax ay qoorta u surayeen.

Waxaa sidoo kale goobta hadalo ka soo jeediyay Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga Jaaliyadda Puntland ee Kenya Mudane Suleiman Bashiir Ceegaag ayaa Shacabka ugu baaqay inay noqdaan Dad Midaysan sida Ul iyo Diirkeed.

Waxaa sidoo kale Xafladda soo Xaadiray oo hadalo ka soo jeediyay Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG oo ay ka mid ahaayeen.

* Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdala

* Xildhibaan Daahir Ciiro

* Xildhibaan san Dheere iyo Xildhibaano kale oo aanan Magacooda soo koobi karin

Xafladda oo aheyd mid aad loo soo agaasimay ayaa sidoo kale dhinaca Siyaasiyiinta waxaa ka hadlay Ilyaas Barre Shiil oo ahaa Xildhibaan horey uga ti sanaan jiray Baarlamaanka Kenya kaasoo laga soo doortay Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

Gunaanadkii Bulshadda Reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Kenya ayaa aad ugu wada farxay inay markii ugu horeysay Gudoomiye Jaaliyadda doortaan ayagoona haatan u arka inuu waa Cusub u baryay

Sawir Qaade Amran Xassan

Warbixin  Saciid C/llaahi Kulmiye ”Nadaara”

Saciidnadaara@hotmail.com

FG Qoraalkan Waxa U Soo Gaaray Somalifans Online 7 Bisha February 2010 Oo Ku Beegnan Maalinimadii Shalay

2 Responses

  1. waan ku farax sanahay waana u mahad naqaaya waxaana leeyahay ilaahay hakula garab galo waxaana aad iyo aad ugu farax sanahay calanka puntland marka ku arkay meesha waxaan uu farxay aad iyo aad

  2. asc waxan umahad celin bahda somalifans sida ay isugu howsha in ay na soo gaadhsiiyo wararka na faraxgeliya waxan mahad gaadh ah iyo celi mss amran and mr nadaara waxankale oo u hanbalyeyn bulshada puntland oo muujiyey isku xidhnaan iyo wada shaqayn halkaas ka wada gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan ayaan leenahay guul waxan u hanbalyey gidoomiyaa cusub shaqo wacan ayaan leenahay waan kula garab taaganah hiil iyo hooba

Comments are closed.