Issimada Dhulbahante Oo Bayaan Ka Soo Saaray Tuulada Buuro Wadal

Waxaa maanta lagu qabtay Tuuladda Buuro Wadal kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen Aqoonyahano, Waxgarad, Haween iyo Isimadda Beesha Dhulbahante oo in muddo ah Shir kulahaa Tuulada

Kulankaas ayaa waxaa uu ku wajahnaa Soo bandhigida qodobada kasoo baxay kulanka Isimadda ay halkaas ku lahayeen, Waxaana Bayaankooda maanta kasoo baxay kulanka goobtaas ka akhriyey Garaad Maxamud Cismaan Mashqare

Garaad Mashqare ayaa inta uusan qodobada ay Isimadda isku raacayaan ku dhawaaqin sheegay in ay Isimadu si weyn uga xunyihin Xaaladda ka taagan Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasoo uu sheegay in Maamulka Somaliland ay duulaan kusoo qaadeen Magaaladaas iyagoo dadki halka deganaa ay Xeryaha Qaxootiga dalalka Kenya, Ethiopia, Yemen iyo Gobolada kale ee dalka Somaliya ku sugan yahiin, Waa Sidaa u hadalka u yiri’ee

Wuxuu kale sheegay in ay Beesha Caalamka ka jeesatay dhibaatada dadkaasi loo geystay oo ay uu geysteen waxaa uu ugu yeeray Jabhadda Somali diidka oo uu ku tilmaamay Jamhuuriyada Somaliland

Garaadka ayaa ugu dambeynti soo bandhigay 9-qodob oo ah kuwa ay soo saareen Isimada Beesha Dhulbahante, Waxaana qodobada ahaayeen sidaan

  1. Waxaa la dhisaaya gudi la yirahdo Qusuusi
  2. Qusuusiga waxaa ay ka koobnaanaysa 21- Xubnood,Saddex ka mid ah ay dumar yihiin
  3. Qusuusiga waxaa ay awood uu leeyihin Hogaanki lagu soo dhisay Nairobi
  4. Quusuuga waxaa soo xulaaya Beelaha
  5. Qusuusiga waxaa ay iska dhexdooranayaan Gudoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn.
  6. Qusuusiga waxaa ay Mudadoodu ku egtahay Sanad iyo Bar Maalinta la Ansixiyo
  7. Qusuusiga waxaa lagu keenaya mudo dhan 10-casho laga bilaabo maalinta gudoonka soo baxo
  8. Qusuusiga waxaa kala diri kara Isimadda saxiixay Cod dhan 3/2
  9. Shuruudaha lagu soo xulaayo Qusuusiga waxaa qeexaya Xeer hoosaad uu gaar ah

Bayaankaan maanta ay Isimada soo saaren ayaa lagu sheegay in Hogaanki lagu dhisay Nairobi ay Isimada Maamulka Puntland kala hadleen in ay soo galaan dalka si ay ula kulmaan Qusuusiga

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in uu jiro Wefdi isugu jira Isimo, Cuqaal iyo Xubno ka mid ah Qusuusiga ay tegi doonaan Degaamada Sool, Sanaag iyo Ceyn si ay dadka ugu baraarujiyaan Xaaladda adag ee ka jirta dalka iyo sidii looga bixi lahaa

Dhinaca Dhaqaalaha howlahaan lagu samaynaayo ayay sheegeen in Jaaliyaddaha SSC ee ku sugan dalka dibaddisa ay gacan weyn ka geysanayaan

Bayaankaan maanta kasoo baxay Isimadda Beesha Dhulbahante ee ku shiraayay Maalmahaan Tuuladda Buuro Wadal ayaa waxaa lagu sheegay in Saddexdi Maamul Ee Puntland isaga dambeeyey in midba mida kale uga darnaa dadka dega degaanadda Sool, Sanaag Iyo Ceyn Sidaa aay hadalka u dhigeen

Waxayna Maamulka Puntland ee iminka talada haya ay uu cadaatay in uusan usoo jeedi wax ka qabashada degaamada ay degaan qeybtood oo la haysto, taaso Bayaanka lagu sheegay in ay Isimadu degaanka ay garwaaqsadeen in ay isku tashadaan oo howsha ay uu wajahaan qaab Beeleed hormuudna ay ka noqdaan Isimadda Dhulbahante

Issimada Dhulabahante waxay u Mahaceliyeen Shacabka Majeerteeniya ee Puntland Sidaa aay ku sheegen Bayaankooda, Sidoo kale Issimada Dhulbahante waxay sheegen in Xukuumada PL ku qiimeyn doonan Sidaa aay ulaa dhaqanto hadba qodobada aay soo jeediyeen

 

Isimada Dhulbahante ee Go’ankaan ku saxiixna ayaa kala ah

  • Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
  • Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxmuud
  • Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
  • Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe
  • Suldaan Siciid Cismaan Cali
  • Garaad Abshir Saalax Maxamed
  • Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur
  • Garaad Cali Buraale Xasan
  • Boqar Cabdilaahi Axmed Cali
  • Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed
  • Garaad Maxamuud Cismaan Maqshqare
  • Garaad Saleebaan Buraale Owaadan
  • Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed
  • Ugaas Faarax Maxamuud Cali

Lama oga waxa aay ka bedeli doonto Shirkan Maanta Ugu Soo Gabagaboobay Issimada Tuulada Xaaladaha degaanada Puntland ee Murugsan