Ku Xigeenka Duqa degmada Laasqoray Cabdullaahi Axmed Maxamud ayaa sheegay in degaan ku dhow Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag aay ku soo caariyeen in ka badan 128 Tahriibayaal Somali ah, Degaanka ayuu sheegay in lagu magacaabo Cilaamato, Waxan u wax yar u jira degmada Laasqoray
Cabdullaahi Axmed ku xigeenka duqa degmada Laasqoray waxa u sheegay in dadka soo caariyey aay u fidiyeen Gurmad degdeg ah, Isla markana ay u direen gaari Nooca Iska-Rogaada Somalidu u taqano ah, kaasi oo soo qaday 75 Qof oo ka mid ah dadka kuwas oo aha dadkii liitay, iyaga oo keenay degmada laasqoray, Halka intii kalena aay xiligan ku sugan yahiin Degaanka lasa suro oo u dhow degmada Laasqoray, kuwas oo halkaa iyagana lgu hayo
Waxa u Sheegay in dadka laasqoray la keenay loo fidiyey Gargaar, Isla markanala dejiyey Beerta Xorriyada Oo iskuul xiligan ku yaal, halkaasi oo lagu quudinayo dadkaasi, waxana u sheegay in aay la gareen dadka Qeybtood oo dhimanba laha Haraad dartii Biyo, Sharaab Iyo weliba Cuno taasi oo Shacabka degmadu ugu deeqay
Dadka ayuu sheegay in aay isagu jiran Dumar, Caruur Iyo weliba dad kale oo Wayeel ah, Waxana u sheegay in dadkaasi aay badda ku jireen muddo Toddoba Cisho ka badan, Isla markana aay intaa heysan wax aay cunan, Balse baddu soo tuftay iyaga oo Laashkii aay woteen maanta, islaa markana aay helen Kaluumeysto ka tirsan Warshada Kaluunka ee Laasqoray kuwas oo xiliga ku sugna degaanka Cilaamato ee Gobolka Sanaag, Waxa u sheegay ku Xigeenka Duqa Degmada laasqoray in dadkaasi aay ka soo tahriibeen Xeebta Mareero oo dhanka Bari kaga beegan magaalada Bosaso, halkaasi oo dadka intaa badan laga Tahriibiyo
Cabdullaahi Axmed Maxamud waxa u sheegay in labo qof oo ka mid ah dadkaasi aay ku dhinteen badda, in kasta oo u sheegay in tirada soo badbaaday aay tahay 128 Kuwas oo 53 ka mid ah aay xiligan ku sugan yahiin Degaanka Lasa suro, halka 75 kelna lagu hayo degmada Laasqoray
Waxa Duqu ugu baaqay Shacabka Puntland Iyo dowlada in aay u soo gurmadan dadkan isla markana wax laga qabto Dhibaatadan sii socota ee ka jirta degaanada PL taasi oo Samcad darro Iyo Magac Xumo weyn u soo jiitay Shacabka Iyo Dowlada Puntland
Filed under: Wararka | Tagged: Xeebta Laasqoray