Ku Xigeenka Gudoomiyaha Maamulka Jubbooyinka Ee Xarakada Shabaabil Mujaahidiin Sheekh Xuseen Cadi Geedi oo maanta kula hadlayey saxaafada magaalada Kismaayo ee Xurunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Dhalinyarada Iyo Weliba Dadweynaha degaanada Jubbooyinku aay isku diyaariyaan Dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Kenya, Waxa u sheegay in aay ku hawlan yahiin Sidaa aay isaga difaaci lahayeen Kenya, ayna ulaa dagaalami lahayeen Ciidamada Aay Xuduuda soo dhoobtay
Waxa u Ugu baaqay dadka in la isku diyaariyo Jihaad ka dhan ah Kenya ”Qof kasta ha ka qeyb galo Jihaadka lala gelayo gaalada Kenya ee duulanka ku soo ah dalkeena” Ayuu yiri Sheekh Xuseen Cali Geedi
Hadalka ku Xigeenka Maamulka Gobolada Jubbooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada oo ciidamada Kenya aay u jiran Xuduuda degaanka Dhoobley 15 KM, waxana jira dhaq dhaqaaqyo ciidanka Kenya halkaasi ka wodo
Dhanka kale Lama oga ilaa hada go’aanka Alshabaab wax u ka bedeli doono Xaalada Xaduuda oo awalba aheyd mid aad u caakiran, Sidoo kale waxan la aqoon Jawaabta Kenya ka bixin doonto Hanjabadaha Alshabaab
Filed under: Wararka Tagged: | Shabaab Oo Hanjabtay