Maxaa Hadhay Oo La Odhan Daahir Riyaale?

Fannaaniinta iyo Abwaanadu waa cidda ugu danbaysa ee ka hadasha siyaasadda, sababtuna waxa weeye, fannaanka iyo abwaanku waxay u baahan yihiin bulsho dhagaysata oo si niyad sami ah u qaabisha waxa ay ka hadlayaan.

Faa’iidada ugu badan ama ugu wayn ee fannaanka iyo abwaanku ay ka helaan dadka hortiisa waxa weeye sacab iyo shucuur taageero, khasaaraha iyo niyad jabka ugu wayn ee ku dhacaana waa orin iyo foodhi

Sidaasi darteed fannaanka ama abwaanku ma soo hor istaagi karo bulsho uu ogyahay in aanay qaadanayn aragtidiisa ama ay ku kala qaybsamayaan erayadiisa. Taasi waa sababta abwaanada iyo fannaaniintu ay u noqdeen cidda ugu danbaysa ee ka hadasha siyaasadda, maadaama siyaasaddu tahay wax xasaasi ah oo had iyo goor lagu kala qaybsan yahay.

Sidoo kale waa sababta abwaanaddii halganku ay ugu bilaabeen maansooyinkooda iyo suugaantooda af maldaheed iyo sarbeeb, si ay u mashqiciyaan dareenka bulshada. Taasi waa ta horseeda marka ay helaan dareenka dadka in ay u badheedhaan in ay ummadda ku hogaamiyaan dareenkooda..

Abwaanka wayn ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa dhawaan sharaxay sida hal abuurku ugu xidhan yahay dareenka shacbigiisa.

Dareenka hal-abuurku waxa uu ku xidhan yahay dadwaynaha, anigu marka gabay aan tirinayo ciddii aan u tirinayay waa inay jirtaa, taa macnaheeduna maaha intay soo fadhiistaan inay dhagaystaan, laakiin waa cidda marka aan hadal idhaahdo ficil u rogaysay, hadda ficilka waanu idinkula jirnaa, laakiin marka aad garataan gabyaagu waxa uu ka hadlayo ayaa mushkilada xalkeeda la helayaa.

Markaa waxa inoo balan ah sidaa ay ku bilaabantay waa in madadaaladii iyo jacayladii iyo wixii khafiifka ahaa ee la odhan jiray haddii aad wax kale u leexataan waa la luloonayaa oo kursigaa laga kacayaa, waa in laga guuraa oo aynu xaqiiqada aqbalnaa, marka aynu runta aqbalno ee taasi xagiina ka tiumaado anaga waxba naguma aha waxaana imanaya habeen walba inaanu idin soo hor fadhiisano, oo qalabkii lagu dagaal gali jiray aanu idiin soo gudbino.” Ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraain Warsame (Hadraawi).

Baryahan danbe waxa si wayn u soo kordhayay ama ka soo butaacayay dareenka fannaaniinta iyo abwaanada reer Somaliland, dhaliilo ay si toosa ugu jeedinayaan maamulka Madaxwayne Riyaale iyo xukuumaddiisa.

Waxa iska soo daba baxayay bilihii u danbeeyay heeso ay fannaaniinta iyo abwaanadu ugu gudbinayaan Daahir Riyaale halka uu marayo dareenka shacbigu, dadkana ay kaga turjumayaan dareenkooda iyo aragtidooda.

Sidoo kale abwaanada waawayn ee reer Somaliland ayaa si guud iyo si gaargaaraba ula hadlay Daahir Riyaale, waxaana ugu danbaysay xaflad Jimcihii lagu qabtay Hoteelka Imbiiriyal ee magaalada Hargaysa, taas oo ay ka qayb galeen abwaanada waawayn ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) iyo qaar ka mid ah abwaanada da’dayar oo uu ka mid yahay Abwaan Axmed Aw Geedi, taas oo lagaga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee dalku marayo.

Kulankaas oo ay ka qayb galeen dhawr boqol oo qof oo ay ka mid yihiin dhalinyaro aqoonyahan ah oo ka yimi jaamacadaha Hargaysa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxa xusid mudan jawigii ay dadwaynahaasi ku qaabileen maanso uu madashaas ka tiriyay abwaankka wayn ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay), taas oo si badheedha u taabanaysay Madaxwayne Riyaale iyo maamulkiisa fadhiidka ah ee uu hafiyay dulmiga iyo musuqmaasuqu, waxaana ka mid ahaa maansadaas iyo sharaxaadii uu ka bixiyay;

“Nin xil qaran qaaday oo umad xilkeedii qaaday, mid dal, mid duunyo tu dad iyo mid dawladeedba qaaday oo la ambaday kow, garan waayay oo odhan waayey wixii umadda la ambataye iska dhiib, haddii uu kal-jeclaystay inuu sii fadhiyo inuu yidhaahdo wax aqoonta la tasho ileyn waxa la yidhi maan rag waa mudacyo afkoode oo uu sidii shaagle laga baqay soo shaf-waynaadaa oo yidhaahdo kuu talin maayo, kaa tagi maayo, kula tashan maayo, marka ninku caynkaa yahay dee jabtida geedbaa u dawo ah ee waa la iska celiyaa………barigii hore geedku ninbuu lahaa maalinta garta, deeqdu ninbay lahayd, doodu ninbay lahayd, intii laga ilaalin jiray geedka ayaa imika shirka u cumaamadan.”

“Shublaha Geel lagu daraa, Galaalo shaf saariddiyo, awrtoo loo dhabi shaxdiyo, ku sheemista wuu yaqaan, cayuun shaash lehna ma dhalo. Sheekada waxaa taa la mida, garaan sheekheedii dhiman, ayaa shiqi loo maxlalay, shifana waa laga raabaa, shirkana waxaa loo diraa, dareen shaasheeya iyo intaan shawrkeeda geyin.

Talada kii shubi og iyo, aqoontii laga shaxeex, ummadda tiih baa ku dhacay, shakina wuu kala dhex galay, shaydaan baa lagu darsaday, askarta shaadhkaa ku dhagay, shaqaalihii baa bakhtiyay, shan goor oo lagu adimo….wanaagii shaarubaha shiil madaw baa loogu xidhay.” Sidaa waxa yidhi Abwaanka wayn ee caanka ah Xasan Xaaji Cabdillaaih (Xasan Genay).

Madashaa iyo munaasibadaasi waxay ahayd mid warbixin buuxda ama go’aan cad u dhiibaysa hogaamiye dadkiisa danaynaya kuna nool kalsoonidooda.

Qof kasta oo dhagaystay ama joogay munaasibadaas, isla markaana la socday dareenka iyo heesaha ka soo burqanayay maalmahan danbe fannaaniinta iyo abwaanada, wuxuu isw waydiin karaa maxaa hadhay oo Daahir Riyaale wax loogu sheegi karaa?.

Hase yeeshee, waxa dhaqan u ah kali-taliyayaasha in ay is diidsiiyaan, dhagahana ka furaystaan dareenka shacabka. Sababtuna waxa weeye waxa jira wax qudha oo ay maqlaan dhagahoodu oo ah marka dhawaaqa xabadda iyo gadoodka shacabku ay albaabkooda garaacaan.

Taas lafteedu way dhacday, waxaaana jira siyaabo ficil ah oo ay dadku u gudbiyeen dareenkooda, farriin cadna ay ugu direen Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisa. Waxa ka mid ahaa isu soo bixii September 12-keedii sannadkii 2009 ee ay dadwaynuhu ku diidanaayeen tallaabadii Daahir Riyaale albaabada ugu xidhay xarunta golaha Wakiillada.

Waxa kale oo iyana ahayd farriin shacabku diray soo dhawayntii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee Axaddii aynu soo dhaafnay, taas oo dadwaynaha Hargaysa ugu quus gooyeen Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisa, isla markaana ay ku tuseen awooda iyo taageerada xisbiga KULMIYE ku leeyahay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kaliya ee shacabka reer Somaliland sugayaan waa maalinta ay timaado warqad iyo sanduuqu. Taas oo ka baajisay, walina ka baajinaysa in ay gidaarka uga daataan derbiga jilicsan ee madaxtooyada.

Axmed Maxamed Saaleebaan (Dhugfe)

afqarshe114@hotmail.com