Gabadh Reerkoodu Nolosha Ku Aaseen kadib Markii Aay Sheegeen Inay WIilal La Sheekeysato


Gabadh dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka turkiga ayaa reerkoodu nolosha ku xabaaleen kadib markii ay sheegeen inay wiilal la sheekeysato. gabadhaa oo 16 jir ah ayaa laga helay meydkeeda godkii ay ku aaseen
 
 
Booliska dalkaa ayaa sheegay in (Madiina Miimi ) markii godkaa laga helay ay fadhiday isla markaana ay ka xidhnayd labada gacmood iyadoo lagu aasay gabadhaa god laba mitir ah iyadoo nool. godkaa oo laga hoos qodey xereda digaaga lagu xareeyo oo ku taala guriga agtiisa kaasoo ku yaala magaalada KAHDA oo dhacda koonfur bari ee dalka turkiga
 

The hole where a 16-year-old girl was buried alive by her relatives in Adiyaman, southeastern Turkey
 
Gabadhaa nolosha lagu aasay ayaa la helay 40 maalmood ka dib markii la waayey iyadoo uu u soo sheegay qof reerka kamida oo arkayey meesha lagu aasay isagoo qofkaasi sheegay in arinta dilka gabadhaa uu ahaa arin ay gaadheen reerka oo dhan oo laga fadhiistay
 
Gabadhaa ayaa boolisku sheegay in ay ciid ka buuxsantay caloosheeda isla markaana aan lagu arag jidhkeeda wax nabaro ah ama sun la siiyey ah taasoo boolisku sheegay inay cadeynayso in gabadhaa iyadoo nool la aasay
 
Gabadhaa Aabaheed iyo Awowgeed oo ahaa dadkii dilkaa geystey ayaa maxkamad la horkeenayaa sida boolisku sheega,
Hooyadii dhashay gabadhaa la xabaalay ayaa sheegtay in gabadheedu ay tiraba sadex jeer booliska u tagtay iyadoo uga dacwooneysa in Aabaheed iyo Awowgeed ay dilaan laakiin mar walba ay boolisku ku soo celiyaan gurigooda
 
Hay,adaha xuquuqda u dooda ayaa iyagu ka qeyliyey dilalka noocan oo kale ah ee lagu magacaabo DILKA SHARAFTA oo ah inuu waalidku ilmihiisa dilo isagoo ku andacoonaya inuu sharaftiisa iyo ta reerkiisa ilaalinayo. iyadoo la sheegayo inay iminka marayaan kumaan kun dil oo noocaas ah halka dowladaha islaamka qaarkood ay u haystaan dilka sharafta wax caadi ah oo aan danbi lahayn. halka ay hay,adaha xuquuqdu ay ka dhigaan mudaharaaadyo arintaa maalin walba
 
 
Barkhad Cabdillahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers