Chelsea 2-0 Arsenal

Chelsea ayaa dib ugu soo noqotay Hoggaanka Horyaalka Premier League dalka Ingiriiska kadib Markii Maalinimadi Shalay aay kooxda Manchester United sii ku Meel gaar ah u qabatay, Xiddiga Didier Drogba ayaa ka Farxiyey Taageerayaashi Chelsea ee u soo dawaasho tegey Kulankii Chelsea Iyo Arsenal

Daqiiqadahii 8 Iyo 23 ee Qeybtii hore ayuu Drogba u saxiixay kooxdisa Chelsea Goolasha Guushu aay ku raacday

Guusha Aay gaartay Chelsea ayaa ka dhigeysa in aay dib ugu noqoto Hoggaanka iyada oo xiligan leh 58 Dhibcood, Manchester United ayaa iyaduna leh 56, Arsenal 49, Liverpool 44, Kooxda Tottenham oo Kaalinta Shanaad ku jirtana waxay leedahay 43

Horyaalka Ingiriiska ayaa xiligan u muuqda mid aay ku Tartamayaan Kooxaha Chelsea Iyo Manchester United