Bulshada Garoowe Iyo Sida ay U Aragto Xiritaanka Safaaradaha

Bulshadaa ku dhaqan deeganadda Puntland ayaa waxay isla dhex marayaan baryahaan danbe safaaradaha soomaalida ee ku yaala wadamada qaaradda yurub iyo qaar kale oo ku yaala qaarada afrika oo la sheegay in albaabadda loo laabi doono kadib markii ay ka hadashay wasaarada arimaha debeda ee somaliya oo uu hugaamiyo jaangeli Dhegeyso
 
Safaaradahan ayaa waxay gaarayaan ilaa 8-safaaradood oo lix ka mid ahi ay yahiin danjirayaal u dhashay beesha Daarood, ilsa markaana 4-ka mid ah ay yihiin dadka u dhashay Puntland.

Sida u cadeeyay Wasiirka arimaha dibada DFKMG Cali jaamac jaangeli oo la hadlayey qaar ka mid ah Warbaahinta isagoo ku sugan yaman waxaa uu sheegay in ay xiri doonaan safaarado badan oo ku yaala dalaal shisheeye.
 
Mr. jaangeli waxaa uu sheegay in ay Tahay ajandaha loo xirayaa dhaqaale xumi balaadhan oo soo wajahday wasaarada arimaha debeda ee somaliya iyo maarayn la,aan safaaradahaan oo anay dhaqaalaheeda meel marin karin, hadab waxaa is weydiin mudan waa kuwee Safaaradaha ay wasaarada arimaha dibada ee Somalia dhaqaalo siin jirtay, been aan sal iyo raad toono laheyn oo umada lagu marin habaabinayo.

Shacabka Oo Ka Hadlaya Arrinkaasi

Jangeli Oo ka hadlaya Arrinkaasi

Bulshadda ku dhaqan Puntland siyaabo kala duwan ayey uga hadleen anagoo dhowaan idiin soo bandhigi doono codadka maasuuliyiin iyo Profisooro u balansan allidamaale oo u ka mid yahay Pro. caanka ah ee sidda wayn looga yaqaan soomaliya iyo dalalka deriska waa Cabdi salaan Maxamed cali (dhoola yare) oo aan mar warbixin dheer idiika soo diyaarin doono.

Sidoo kalena Magaalada garoowe oo ana Microfoonka la dhex qaadnay dadweeynaha ayaa waxey uga hadleen siyaabo kala duwan iyagoo inta badan aad moodo in ay is waydiinayaan maxaa loo xiri waayey safaaradaha kale ee somalida ay leedahay ee caalamka ku yaala, isla markaana ay sida tooska ah dhqaalaha uga qaata Dowlada sida mida Keyna oo la ogyahay dhibataada ay umada Somaliyeed ku hayso, ayna ugu horeyso qab qabshadii loo geystay dadkii Somaliyeed ku dhaqnaa Dalka Kenya iyo mida talyaaniga oo an haba yaraatee wax shaqo ah qaban. 
 
Si kastab ahaatee Cali jaamac jaangeli ayaa waxaa xilka wasiirka arimaha debeda loo dhiibay dhowaan kadib markii isku shaan dhayn lagu sameeyey iyadoon ay fajac ku noqotay dadka somaliyeed xiritaanka uu ku dhawaaqay waxaa la xirayaa safaaradahaan ay soomalidu leedahay oo gaaraya ilaa 8-da  safaaradood oo ay ka danbeyaan arimo siyaasadeed iyo dano gaar ah.
 
Arinta jaangeli uu ku dhawaaqay ayaa waxaa aa du hadal haya intabadan umda Somaliyeed meel kastoo ay joogan, ayagoo markaa siyaabo kala duwan u fasiraya arimaha ku hoos jira ee ka danbeeyay hadaladana iska soo horjeeda.

waxaa horey usoo baxaday wareegto lagu cadeenayo in la xirayo safaarado dhowr ah sabaabo lagu sheegay in dhaqaale loo waayay, hadan waxaa websat yada kusoo baxay wareegto kale oo madax weynahu ku magaacabayo danjirayaal kale oo qar kood lagu badalay kuwii la laha waalaxirayaa waana waxyaabaha dadku ay aad ugu jah wareersanyihiin.

dhiaca kalena waxyaabaha ugu wayn oo ay dadka somaliyeed is waydinayaan ayaa ah maxaa isu keeni kara in wasarada uu isagu xilkeeda hayo in la horumariyo iyo in safaarado somaliyeed la xiro waana wax ay siyaasiyiinta somaliyeed isla dhex marayaan maalmahaan dambe

One Response

  1. waxana u arkaa musiibo usoo hooyatay umada soomaaliyeed, waana been abuur iska cad in la xiriyo safaradaahas , waayo maantaba danjiriyaal hor leh ayaa loo magaacaabay safaaradaas qaarkood.

    arinkaan wuxuu xadgudub ku yahay dasturka kumeel gaarka ah ee soomaaliya farqigiisa 6.4.5, qeybta awood qeeybsiga.

    waxaana loo baahanayahay iney masuuliyiinta Puntland ka hadlaan, mahaan intey ka shiraan hadan iney ka amuusaan waayo ayagaa masuuliyadii umada qaaday.

Comments are closed.