130 Arday Oo Dhigta Jaamacada Bariga Africa Xurunteeda Garoowe Oo Maanta U Bilowday Intixaankii Simister-ka 1-Aad

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta jaamacadda Barigaa afrika xarunteeda Garoowe ayaa waxa uu maamulka Jaamacadda Qeybteeda Garoowe waxa uu ku soo bandhigay 130 arday oo maanta u fariisanaya imtixaanka semmisterka 1aad

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiye Kuxieenka Jaamacadda Bariga Afrika Qeybteeda Garoowe Mudane Guuleed Saalax Barre waxaana uu Gudoomiyaha mahad celin balaaran u jeediyey marti sharafta ka soo qeybgashay xafladani oo ay ardayda imtixaanka ugu fariisanayaan isagoona tibaaxay in arydaydani kala yihiin 3 faculty waxaana uu xusey in ay tahay markii ugu horeysay oo arday u fariisanata imtixaanka samisterka 1aad tan iyo markii xarunta jaamacadda Bariga afrika ay ka furatay xaruntani gudaha caasumadda Puntland ee Garoowe,

Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Guuleed Saalax Barre oo hadalkiisa siiwata ayaa waxaa kaloo uu carabka ku dhuftay in imtixaankani uu noqon doono mid ay ardaydu u galayaan maalin dhaaf isagoona Guuleed si weyn uga Hadley waxqabad jaamacadda mudadii ay xarunteeda ka furatay magaaladda Garoowe ee Caasumadda Puntland, Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Guuleed Saalax Barre ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jaamaacadda Bariga Afrika had iyo jeer u heelan tahay sidii ay bulsadda reer Garoowe oo ka baxday tacliiinta dugsiga sare ay kor u qaadaan aqoontooda islamaraaskan si looga gudbo dadka jaamacadda dibada u aadaya, Imtixaankani samister 1aad oo ay maanta u fariisteen 130 arday ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay wado jaamacadda Bariga Afrika ee xarunta Garoowe taasi oo ku aadan in soo kordhiso kulyaddo kala duwan ama faculty kuwaasi oo ay dadka baahi weyn u qabaan,

Dhowr ka mid ah ardayda imtixaani maanta u fariistay oo aanu wax ka weeydiinay sida ay u arkaan imtixaanka ayaa waxa ay sheegeen in maadada maanta ay galeen oo ahayd maadada diiniga ah ay ka filayaan guul waxaana ay tibaaxeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin

 

Xuseen Cabdulaahi Xasan

E- Mail Xuseen339@hotmail.com

Garowe Puntland Somalia