Shir jaraa’id oo u maanta ku qabtay magaalada Baydhabo Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi Turki ayuu ku xaqiijiyey inay la Midoobeen Xarakada Alshabaab, Isaga Oo Sidoo kale ugu baaqay Dhinacyada kale ee Mujaahidiinta inay iyaguna Midowga ku soo biiran isla markana hal saf loga soo wada jeensado Cadowga, Sidaa u Hadalka u dhigay
Sheekh Xasan Turki waxa u sheegay in aay Muhiim tahay in la Midoobo, Ayna Mujaahidiintu u Midooban la dagaalanka Cadowga
”Waxan Ugu baaqeyna Muslimiinta Dhamaantood In Jihaadka loo midoobo, Waxana Shegeyna Safka Mujaahidiinta In la Mideeyo” Ayuu yiri Sheekh Xasan Turki
Hadalka Sheekh Xasan Turki ee maanta ayaa ku soo beegmaya iyada oo Ururka Xizbul Isaam Gudoomiyahooda Sheekh Xasan Daahir Aweys u sheegay in Alshabaab Aay Bililiqeysteen, Isla markana aay Jabiyeen Xeer u yiil iyaga iyo Xizbul Islaam
Filed under: Wararka Tagged: | Sheekh Xasan Turki