Dowlada Faransiiska Oo Dhalashada Wadankeeda U Diiday Nin Muslim Ah

Dowlada Faransiiska ayaa inu Dhalashada Wadankeeda Uu qato u diiday Nin Muslim ah, Oo la sheegay inu Xaaskiisa ku khasbay Inay Xirato Niqaabka Ama Indha Shareerka Sidaa Somalidu u Taqano, Toddobadki Hore Ayaa guddi ka tirsan Baarlamaanka Faransiisku Waxay Dowlada U Gudbiyeen Hindisa Niqaabka Ama Indho Shareerka Loga Mamnuucayo Goobaha aay Dowladu leedahay Ee Lagu Bixiyo Adeegyada Dadweynaha, Sidaa Dugsiyada, Cisbitaalada Iyo Weliba Xafiisyada laga Mamnuuco Haweenka Islaamka ah ee Niqaabka Xiran

Ninkan Muslimka ah ee loo diiday Dhalashada Dalka Faransiiska oo Warbaahinta Qaarkood aay ku Tilmaamayan Inu u dhashay Dalka Marocco, Lakiin Magaciisa Iyo Dhalashadiisatoona Dowlada Faransiisku sii rasmi ah Uma Sheegin, Ninkan ayaa lagu Eedeynaya inu Xaaskiisa iska hortagay in Gurigeeda aay ka bixi karin iyada oo aan Xirneyn Niqaabka, Waxa Sidoo kale lagu Eedeyey In Afkaarta u Amiinsan yahay Ninkaasi ay ka hor Imanayan Maba’diida aan Diimaha ku Saleys neyn, ee dalka Faransiiska loga dhaqmo, Iyo Sinaanta Ragga Iyo Dumarka ee laga Amiinsan yahay Wadankaasi Waxana la sheegay in Fikradaha Ninkaasi u qabo la ogaday markii laga qadayey Xog waraysiga ku sabsan dhalashada dalka Faransiiska ee markaasi u soo dalbaday, Iyada oo intaa badan wadamada Yurub iminka Qofka soo dalbada dhalashada wadamada laga qado Waraysiyo lagu Eegayo Waxyabaha dadkaasi aay Amiinsan yahiin aay yahiin Qaar ka hor imanaya Maba’diida Wadamadasi

Wasiirka Dowlada Faransiiska U Qabilsan Arrimaha Socdaalka Eric Besson Ayaa wareegtada u ka soo saaray Ninkaasi Waxa u Iminka u Gudbiyey Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska François Fillon, sii marka u meel mariyo

Dalka Faransiiska ayaa waxa ku Nool intaa u dhaxaysa Shan Ilaa Lix Milyan Oo Qof, Kuwasi oo Muslimiin Ah

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in ilaa Kun Iyo Sagaal Boqol Oo Haweenka Islaamka ah Ee Dalka Faransiiska ku Nooli aay Xirtaan Niqaabka

Wasiirka Dowlada Faransiiska Ugu Qaabilsan Arrimaha Socdaalka Eric Besson ayaa ku nux-nux saday In Sharciga Faransiisku uu farayo Qofki Kasta ee Doonaya inu qaato Dhalashada Dalkaasi inu muujiyo inu Dhinac ka raaci karayo Dadkiisa Faransiiska

In kasta oo Talaabada Dalka Faransiiska aysan sii weyn u soo dhoweyn Shacabka Muslimka ah ee halka ku dhaqan, hadana waxa jira Taageero weyn oo arrinka ay u hayan dadka Faransiiska u dhashay

Ma’a markii ugu horreysay ee dhalashada dalka Faransiiska Loo diido Qof Islaam Ah oo la sheegay in afkaarta u Amiinsan aay yahiin qaar ka horimanaya oo aan la jaanqadi kareyn Waxyabaha qiimeynta weyn ku leh Sharciyada dalka Faransiiska

Sanadkii 2008 Ayaa Haweenay iyaduna Muslimad ah oo u dhalatay dalka Marrocco waxa dhalashada dalka Faransiiska logu diiday iyada oo la sheegay in aay Aamisan tahay Maba’di Islaami ah Oo Xagjir ah

Dhanka kale Talaabada Faransiiska ayaa ah mid sii weyn loga dhuganayo qaar kale oo ka tirsan wadamada Yurub, Iyada oo Sanadahi ugu dambeeyeyna Doodo aad u waweyn oo la xiriira Niqaabku aay ka jireen Intaa badan Wadamada Yurub

Haddaba Diinta Islaamku Maxay ka Qabta Niqaabka ?

In kasta oo dood badan aay jiran Islaamka Dhexdiisa oo ku sabsan Niqaabka, hadana waxa jirta In Culimada Islaamka badankooda aay u arkan Niqaabka Ama Indho Shareerka Wax Sune ah balse aan aheyn Waajib, Sidoo kale Waxa jira Culimo U Aragta Niqaabka Ama Indho Shareerka Caado Ama Dhaqan Carbeed Sidaa Sheikha Al-Azhar Dr Mohamed Tantawi

Yusufjournalist@yahoo.com