Taliyaniga Iyo Jaamacada Carabta Oo Beesha Calaamka Baaq U Diray

Dowladda Talyaaniga Iyo Ururka Jaamacada Carabta ayaa labaduba waxa ay Beesha Caalamka ugu baaqeen in ay dareenkooda isugu geeyaan arrimaha murugsan ee dalka Somaliya

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta Caamir Muusa iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Faranko Farantiini ayaa maqaal qoraal ah oo si wada jir ah ay u soo saareen ugu baaqay beesha caalamka in ay dareenkeeda ay isugu geyso arrinta Somaliya iyo in ay diyaariso wax kasta oo lagama maarmaan u ah xasilinta dalka Somaliya

Maqaalkaasi oo cinwaan looga dhigay Cahdiga Somaliya oo lagu baahiyay magaalada Qaahira ayaa labada Mas’uul waxa ay carabka ku adkeeyeen in Caalamka uu dejiyo Istaraatiijiyad cad oo dhameystiran oo leh waqti kama dambeys ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida Somaliya iyadoo laga amba qaadayo Shirka Caalamiga ee dunida ee sanadkan la qaban doono.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta Caamir Muusa iyo Wasiirka rimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini ayaa labaduba sheegay in la gaaray xiligii loo istaagi lahaa howl dhinacyo badan oo xoogga lagu saarayo xilinta dhibaatada Soomaaliya halkii xalinta dhibaatadaasi loogu simi lahaa dowladda KMG Soomaaliya taasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Igad iyo Qarmada Midoobay.

Labada Mas’uul ayaa sheegay in xalka Somaliya ay tahay in loo maro 2-qaab, tan kowaad oo ah in la qaato qorshe lagu xaqiijinayo xasiloonida iyadoo loo sii marayo xoojinta Ciidamada amaanka ee dowladda KMG Somaliya si kaalmooyin bini’Aadanimo loo gaarsiiyo dadka u baahan, iyo tan labaad oo ah qorshe Istaraatiijiyadeed oo xili kama dambeys ah loogu qabanayo xaqiijinta xasiloonida Soomaaliya iyadoo laga amba qaadayo shirka Caalamiga ah ee la qaban doono sanadkan.

Ugu dambeyntii Caamir Muusa Iyo Franco Frattini ayaa waxa ay sheegeen in inkastoo xaqiijinta Amniga iyo Xasiloonida Somaliya ay ku soo biyo shubaneyso dadaalada ay Wodo DFKMG Ee Somaliya ayaa hadana jirto arrimo dhowr ah oo dowlada ay ku filnayn taas oo ay haboontahay in beesha Caalamku ay gacan ka geystaan wax ka qabashadeeda

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers