Madaxweynaha DFKMG Iyo Wafdi balaaran oo u hoggaaminayo ayaa caawa ka degay garoonka diyaarada ee Bole International Airport, Madaxweynaha Iyo Wafdiga la socda ayaa waxa garoonka ku soo dhoweeyey Saraakiil ka socota Wasaarada Arrimaha dibada ee Ethiopia iyo weliba Madaxda Safaarada Somalida ee Addis Ababa
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wafdigiisa waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibada Cali Jamac Jangeli iyo weliba Saraakiil kale
Sheekh Shariif ayaa la filaya inu ka qeyb galo Shirka Wadamada Africa uga bilaaban doona Maalinimada Beri ah magaalada Addis Ababa, Shirkaasi oo socon Doona Muddo labo Maalin ah
Filed under: Wararka Tagged: | Madaxweynaha Somaliya