Garsooraha ugu sareeya Maxkamada Sare ee Dalka Israel Oo haween ah ayaa la soo sheegaya in nin uu kab ku tuuray, Haweeneyda Garsooraha ah Ayaa lagu Magacaaba Dorit Beinisch, Waana 67 Sano jir
+Sawiro
Dorit Beinisch ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray Kabta lagu tuuray, Ninka aay u dhaxdo Garsoorada Kabta lagu tuuray ayaa u Sheegay Idaacada Israel ah in Xaaskisa u dhaawac ka soo gaaray Afka iyo Sanka Agagaarkiisa in kasta oo uusan aheyn dhaawac culus
Ninka Haweentan Garsooraha ah kabta ku tuuray ayaa la sheegay inu Maxkamada goobjoog ka aha isaga oo ku qaylinayey Ereyo ka dhan Ah Maxkamada isaga oo Laha Waxa jira Musuq Masuuq

Kaabaha lagu tuuro dadka Madaxda ah ayaa noqday Tusbax afka laga furay tan iyo markii u Ninka u dhashay dalka Ciraq ee Muntazer al-Zaidi u kab ku tuuray Bishii December 14, 2008 Madaxweynahii hore ee Dalka Mareykanka George W. Bush, Waxana dad badan sheegen in Xiligan kab ku tuurka dadka Madaxdu u yahay Rayi lagu Cabiro Sidaa Aad uga xun tahay fikirka qofka Aad Kabta ku tuurtay
Filed under: Wararka Tagged: | Garsoor Maxkamadeed