Hay,adda UN Habitat iyo Companiga Al Najax oo maanta 183 Guri si rasmi ah ugu wareejiyey dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan gudaha caasumadda Puntland ee Garoowe
Waxaa maanta gudaha caasumadda Puntland ee Garoowe lagu qabtay xaflad si weyn +Sawiro loo soo agaasimay oo 183 Guri loogu wareejinayey dadka qaxootiga ah ee ku nool gudaha magaaladda Garoowe kuwaasi oo isugu jira dadka ka soo barakacay Koonfurta soomaaliya iyo dadka qaxootiga ah ee iyana ku dhaqan gudaha magaaladda Garoowe iyadoona ay ka soo qeygaleen Wasiiro ka socday Dawladda Puntland iyo weliba saraakiil ka socday hay,adda UN Habitat iyo marti sharaf kala duwan.

Xafladani oo ahayd mid si weynj loo soo agaasimay oo guryahaasi dadkaas lagu gudoonsiinayey ayaa ugu horeyntii waxaa ka Hadley madaxa Hay,adda UN Habitat Puntland Mr Jawan oo isaga sheegay marka hore in uu si weyn ugu faraxsan yahay in ay dadkani ku wareejiyaan guryahani oo indhawaalaba dhismahoodu socday isagoona xusey in UN Habitay had iyo jeer diyaar u tahay in gacan siiso dadkani waxaana uu ugu baaqay dadkani la gudoonsiiyey guryahani maanta in ay ka faaideystaan oo ay gurahooda dayactirtaan isagoona sidoo kale uga digay in ay iibsadaan

Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo isaga marka hore u mahad celiyey Hay,adda UN Habitat iyo Dawladda Japan oo isaga si rasmi ah u dhisay guryahani iyo weliba Companiga Al Najax oo isaga mashruucan hergeliyey oo dhisay guryahani loogu talogalay dadkani tabaalaysan ama qaxootiga ah isagoona baaqyo wax ku ool ah u soo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali dadkii guryahaasi la gudoonsiiyey.

Waxaa kaloo isna xafladaasi balaaran ka Hadley Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta & Hidaha Mudane Cabdishakuur Axmed Guuleed oo isana hadalkiisa badan diiradda saaray in dadkani calafka u yeeshay guryahani in aysan iska dayacin isagoona tibaxaay in ay guryahani yihiin wax weyn islamarkaasna aanan la iibsan.

Waxaa isna nadashaasi ka hadlay Jaamac Dhegadheere oo isaga ah La Taliyaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL isagoona u mahad celiyey hay’adda UN Habitat iyo cidii gacan ka geystay dhismaha guryahani isagoona ugu baaqay hay,adda UN Habitat iyo hay,adaha kaleba in ay dadka sedan oo kale ugu adeegaan

Xafladani gudoonsiintay guryaha oo wakhtigii loogu talogalay qaadatay ayaa waxaa ugu danbeyntii soo gabogabeeyey islamarkaasna guryaha xariga ka jaray Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka Daahir Xaaji Khaliif oo isana mahad celin weyn u soo jeediyey hay,adda UN Habitat iyo Dawladda Dalka Japan iyo weliba Companiga dhisay guryahani ee Al Najax isagoona ugu baaqay dadka guryahani la siiyay in ay dayactirtaan islamarkaasna ay iska ilaaliyaan wax alaale wixii gurhooda waxyeelo u geysanaya wasiirka waxaa kaloo uu balan qaaday in Wasaaradda Hawlaha Guud & Gaadiidka ay wax weliba la garab taagan tahay dadkani.


Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia
Filed under: Wararka Tagged: | Magaalada Garoowe