Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Shirkii Shirqoolka Aha Ee ka Fumi laha Tuulada Holhol ayaa ku dhamaday Fashil, kadib markii halka aay gaareen wafdi balaaran oo u Hoggaaminayo ku Xigeenka Labaad ee Gudoomiyaah Golaha Wakiilada Somaliland, Oo Aay Weheliyaan Wasiiru Dowladaha Waxbarashada, Wasiirka Cadaalada
Filed under: Wararka | Tagged: Somaliland Diid Loo diiday | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Saldhiga Dhanka Bari ee magaalada Bosaso ku yaala ee Mijir ayaa caawa lagu tuuray bom nooca gacanta ah , bom-ka ayaa la sheegay inu ku dhacay Daraada hore ee Saldhiga, welina wax faah faahin ah lagama hayo khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamadii iyo Maxabiistii
Filed under: Wararka | Tagged: Bosaso Iyo Qarax | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Magaalada Beledweyne, ayaa Subaxnimadii saaka waxa mar kale ka bilowday dagaalo u dhaxeeya Kooxahii iska soo horjeeday ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xizbul Islaam, Dagaalada ayaa la soo sheegaya inay ku dhinteen ilaa hada Lix qof halka aay ku dhawaacmeen tiro intaa ka badan
Filed under: Wararka | Tagged: Dagaalada Baladweyne | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Anagoo oo ah ardayda Soomaaliyeed ee Waxkabarata dalka Hindiya oo hoos ku qoran , Waxaan tahniyad dhalasho ah u diraynaa qosyka Rooble Maxamed Dhaqane & Faadumo Maxamed Abdiraxman. oo wiil ugu dhashay. 26/01/2010, Maagalada Bosaso Ee Xurunta Gobolka Bari, wiilkaas Oo loo bixiyey Maxamed Rooble Maxamed Dhaqaane
Filed under: Uncategorized | Tagged: Hambalyo Dhalasho | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa mar kale ku celiyey in Aay Xukuumadda Somaliland Cafis u fidin doonto Gaarad Jaamac hadii u Ka baxo arrimaha Abaabulada iyo Kicinta Dadweyne ah ee u ka wodo Degaanka Gobolka Sool Gaarad Jaamac ayaa xiliga ku sugan degaan Baadiye ah kadib markii loo diiday inu ka qeyb [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Gaarad Jaamac | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Aniga oo ku hadlaya magacayga, ka waxgaradka iyo qurba joogta beesha Muuse Cabdalle, Habar Yonis, ee uu ka dhashay ninka wasiir ku xigeenka ah, ee ku hadlay hadallada laga naxo, ee foolxumadu ku jirto, waxa aanu xaal marinaynaa dhamaan shacabka reer Somaliland, Gaar ahaana Gudoomiyaha xisbiga kulmiye, Mujaahid Ahamed Mahamud Siilaayo
Filed under: Wararka | Tagged: Mujaahid Axmed Siilanyo | 2 Comments »
Posted on January 26, 2010 by Admin
Magaalada Baladweyne ee xurunta Gobolka Hiiraan ayaa wax yar ka hor waxa dib uga bilowday dagaaladii u dhaxeeyey Ururka Xizbul Islaam Iyo Maleeshiyada Ahlu Sunna waljameeca, dagaalka ayaa la soo sheegaya inu sii toosa uga bilowday Xaafadaha bariga Iyo Waqooyiga magaalada Baladweyne, Waxana la soo sheegaya in la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan
Filed under: Wararka | Tagged: Dagaalada Baladweyne | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Kooxda Dynamo Moscow ayaa u gudbisay kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska lacag dhan 7 Million Oo Pound, Sii aay u hesho Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Yossi Benayoun, Iyada oo Kooxda Horyaalka Ruush-ka ka ciyaarta aay dooneyso in aay xiddigan la soo wareegto Intaa uusan xirmin suuqa kala Iibsiga Ciyaartooga Ee Bishan January
Filed under: Uncategorized | Tagged: Ciyaaraha Yurub | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee Yemen Cali Mutana Xasan ayaa sheegay in dalka Yemen u dhowaan dib u eegi Doono Qaxootiyada Somalida ee halka ku sugan, Cali Mutana Xasan Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee Yemen ayaa sheegay in Qaxootiyada Somalida aysan badankooda aheyn dad ka soo cararaya dagaalo
Filed under: Wararka | Tagged: Yemen Iyo Qaxootiga | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Yusuf Cali
Kadib dagaalo kharaar oo ka dhacay agagaarka degaanka Ceelgaal oo 15Km u jirta magaalada Baladweyne, ayaa wararka imanka ka soo baxaya Baladweyne aay sheegayaan in Ciidanka Xizbul Islaam iyo Shabaab oo isku dhinac ah dib loga soo riixay degaanka, iyaga oo Xiligan Difaac Adag ka xirtay Dhanka bari ee magaalada Baladweyne
Filed under: Wararka | Tagged: Dagaalada Baladweyne | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Admin
Raiisalwasaaraha Ethiopia, Meles Zennawi, waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay shilkii diyaaraddii Ethiopia Airlines ee ku burburtay badda Meditrannean. Waxanu tacsi u diray dhammaan qoysaskii dadkii ku geeriyoodey shilkaasi Dalka Ethiopiana waxa laga dhawaaqay maalin qaran oo baroordiiq ah. Waxana caalamka uga kala imanaya dhambaallo badan oo tacsi ah
Filed under: Wararka | Tagged: Meles Zennawi | Comments Off
Posted on January 26, 2010 by Liibaan Madoobe
Madaxweynaha Dalka Sudan Omar Hassan al-Beshir ayaa ka badbaaday kab lagu soo tuuray, Madaxweynaha Oo ku jira hool weyn oo u ku qabilo Martidiisa, ayaa la sheegay in u nin lagu qiyaasay Afartan sano jir u ku soo tuuray Kabtiisa, In kasta oo Sii degdeg ah aay Ciidanku arrinka uga hortageen aysana kabtu ku dhicin [...]
Filed under: Wararka | Tagged: Madaxweynaha Sudan | Comments Off