Qarax Xooga leh ayaa caawa ka dhacay Xurunta ugu weyn ee Ciidanka Amisom ka degan yahiin magaalada Muqdisho, Qaraxan ayaa sababay Khasaaro isagu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka Amisom iyo weliba dad kale oo halka ka Agdhowa
Qarax ayaa ka dhacay Xurunta Ciidamada Amisom aay ku leeyahiin Xeerada Xalaane gaar ahan qeybta dadka lagu Daaweeyo, Waxana wararku sheegayaan in qaraxa aay ku dhinteen Labo Qof oo Somali ah Iyo Hal Askaari Ugandhis ah oo halkaasi ku sugna, Sidoo kale Waxa qaraxa ku dhaawacmay Afar kale oo u ku jiro Qof Somali ah
Haddaba Qaraxa Caawa ayaa waxa sheegtay Xarakada Alshabaab, Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage Oo hadal kooban ka soo saaray Qaraxa ayaa sheegay in Nin ka tirsan Guutada Qarxiska ee Xarakadu U fuliyey Falkaasi, isaga oo sheegay in aay halka ku khaarijiyeen Dhakhtarkii ugu sareeyey Ciidanka Amisom, iyo weliba Saraakiil kale
Hadalka Afhayeenka ayaa yimid waqti yar kadib markii u Qaraxaasi ka dhacay Xeerada Xalane
Filed under: Wararka Tagged: | Ciidanka Amisom