Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airline, oo siday 90 rakaab, ayaa ku dhacday bada Mediterranean-ka, wax yar kadib markii ay ka duushay magaalo madaxda Labnan ee Beiruit.
Diyaarada oo ahayd boing 737 oo usocotay Addis ababa ayaa raderrka uu waayay, iyadoo cimiladu ay xun tahay.
Dad goob joogayaal ah, ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo holcaysa oo bada ku sii dhacaysa.
Diyaaradda ayaa siday 82 qof iyo sagaal shaqaale.
Waxaa la baarayaa in dad ay ka badbaadeen, iyadoo dadka qaar la helay madkooda.
Rakaabka saarnaa ayaa u badnaa Itoobiyaan iyo dad u dhashay Lubnaan.
Dadka saarnaa diyaaradda waxaa ka mid ahaa xaaska safiirka Faransiiska ee Lubnaan
BBC Somali
Filed under: Wararka Tagged: | Diyaarad dhacday