Tunisia Macasalameysay Horyaalka Africa


Xulka Tunisia Ayaa ka haray Ciyaaraha Qaramada Qaraada Africa ee ka Socda Wadanka Angola, kadib markii U barbar dhac la galay Xulka Cameroon, Zambia ayaa iyaduna u soo baxday Ciyaaraha Sideeda + Video

Video Cameroon 2 – 2 Tunisia

Video Gabon 1-2 Zambia

Xulka Qaranka Tunisia ayaa ka haray Ciyaaraha Africa kadib markii aay bar bar dhac la galeen Xulka Cameroon, Tunisia ayaa bilowday goolasha Daqiiqadi Kowaad waxana Goolka u dhaliyey Xiddiga Amen Chermiti, Isla goolka ayaana Ciyaartu ku dhamaatay Qeybtii Kowaad, Balse Qeybtii Labaad ee Ciyaarta Ayaa Daqiiqadii 46 waxa gool u dhaliyey kooxda Cameroon Xiddiga Samuel Eto’o, Tunisia ayaa hadana dib ugu soo Celisay ciyaarta gacanteeda kadib markii u daqiiqadii 63 Gool isku dhaliyey xiddiga Cameroon u Ciyaara oo lagu magacaabo Chedjou, Balse Farxaadii Reer Tunisia waxa hor joogsaday Xiddiga Landry N’Guemo oo dhaliyey Goolkii barbar dhaca ee Ciyaarta isaga oo kulankii ka dhigay Labo Iyo Labo taasi oo aay Tunisa kaga hartay Ciyaaraha Africa ee Sanadkan

Cameroon v Tunisia

Kooxda Tunisia ayaa ku hartay bar bar dhaca ciyaartu ku dhamatay, Iyada oo aay halka ka fa’iideysatay kooxda Zambia oo iyadu Labo Gool iyo Hal ku dharbaxaday Kooxda Gabon, Labada Gool ee Zambia waxa u kala dhaliyey xiddigaha Kalaba Iyo Chamanga , Goolka Keliya ee Gabon waxa u dhaliyey daqiiqadii 83 Xiddiga Bedelka ku yimid ee Fabrice Do Marcolino

Haddaba Group D Waxa ka soo baxay Cameroon Iyo Zambia

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers