Xiddiga Osaze Odemwingie ayaa noqday Halyeeyga Kulankii Nigeria iyo Mozambique kadib markii u dhaliyey labo ka mid ah Goolashii Saddexda aha ee Nigeria kaga guuleysatay Xulka Mozambique, goolka Saddexaadna waxa dhaliyey Xiddiga Obafemi Martins +Sawiro
Ciyaar yahan Odemwingie ayaa ah xiddig khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lokomotiv Moscow ee dalka Russia, waxana u caawa noqday Xiddiga Ciyaarta
Kooxda Horyaalka heysata Lixda jeer ee Masar ayaa ka guuleysatay Xulka Benin kadib markii aay ku gaaracay Labo Goal iyo Waxba, Goolasha Masar waxa u kala dhaliyey xiddigaha kala ah Mohamady Iyo A. Meteb
Group C ayaa waxa ka soo baxay Kooxda Masar oo kaalinta kowaad ku soo baxday Iyo weliba Kooxda Nigeria
AFP
Filed under: Uncategorized Tagged: | Ciyaaraha, Koobka Africa, Nigeria