Angola Iyo Algeria Oo Soo Baxay

Xulalka Algeria iyo Angola ayaa u soo baxay Koobka Qaramada Qarada africa Kadib markii aay Barbar dhac Galeen, Xulalka Mali Iyo Malawi ayaa iyaduna ka haray Ciyaaraha Africa

Ciyaar aad u xiiso badan oo dhexmartay Martigeliyaha Koobka Africa ee Sanadka 2010 Angola Iyo Weliba Algeria ayaa ku dhamatay barbar dhac, Gool la’aan ah

Ciyaartan oo lagu Ciyaarayey Magaalada Caasimada ah Ee Luanda, ayaa waxa u soo dawasho tegey Boqolaal Reer Angola ah oo taageersana Xulkooda, In kasta oo Ciyaartu aheyd mid Xamaasad badan wodata hadana wax goolal ah la iskama dhalin

Xulka Angola ayaa ku soo baxay Shan Dhibcood, Halka Xulka Algeria u ka laha Afar Dhibcood

Ciyaarta Algeria iyo Angola ayaa waxa barbar socday Ciyaar kale oo u dhaxeysay Xulalka Mali Iyo Malawi, Ciyaartan ayaa ku dhamatay Saddex gool Iyo Hal Oo guushu ku raacday Xulka Mali

Daqiiqadahii Kowaad iyo Saddexaad Ayaa Xulka Malawi waxa goolal kaga naxsaday Xiddigaah Federic Kanouté Iyo Keita, Goolka Saddexaad ee Mali waxa Saxiixay Xiddiga Bagayoko, Goolka Agoonka ah ee kooxda Malawi waxa u saxiixay Xiddig lagu magacaabo Mwafulirwa Daqiiqadii 58 ee qeybta dambe ee Ciyaarta

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers