Ciyaar aad u adag ayaa dhexmartay labada Xul ee Zambia iyo Cameroon, Waxana ciyaarta guushu ku raacaday Xulka Cameroon, Xulka Tunisia ayaa isaguna Barbar dhac la galay Gabon
Xulka Cameroon ayaa iska fujiyey kooxda Zambia oo aheyd koox aad u adag, Ciyaarta Cameroon Iyo Zambia ayaa ku dhamaatay Saddex Gool iyo Labo, waxana guushu ku raacday Saddex Gool Xulka Qaranka Cameroon oo u hoggaaminayo Xiddiga Sammuel Eto’o
Goolasha Cameroon waxa kala dhaliyey Xiddigaha kala ah Geremi, Eto’o Iyo Goolka Guusha oo u Dhaliyey Xiddiga Idrissou
Xulka Zambia Waxa labada gool u kala dhaliyey xiddigaha kala ah Mulenga, Iyo Xiddiga Katongo oo isagu Gool ku laad dhaliyey daqiiqadii 82 ee qeybta dambe

Kooxda Tunisia Iyo kooxda Gabon ayaa ku kala tegey Gool la’aan Eber iyo Eber
Group-kan Oo ah Group D Waxa Hoggaaminaya , Xulka Gabon oo Afar Dhibcood leh, Waxa ku Xiga Xulka Cameroon Oo Saddex Dhibcood leh , Waxa kaalinta Saddexaad ku jira Xulka Tunisia oo Labo Dhibcood Leh, Zambia ayaa ugu hooseysa oo Hal Dhibic Leh
Filed under: Uncategorized Tagged: | Ciyaaraha, Koobka Africa