Xildhibaan La Dilay Iyo Ninkii Dilay Oo Gacanta Lagu Dhigay (Xog Cusub)


Waxa Caawa fal dil ah lala beegsaday Xildhibaan ka tirsana Golaha Baarlamaanka Puntland, Xildhibaanka ayaa la dilay isaga oo ku sii socda goob Masaajid ah, Waxana la sheegay inu dilka Fuliyey nin ka tirsana Ciidanka Ammaanka Puntland

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdullaahi Cali Karaad, waxana la sheegay inu aha Nin hore Ganacsade u ahan jiray

Ninka dilka fuliyey ayaa la sheegay in aay soo sheegtay Haweenay ka agdhoweyd halka dilku ka dhacay oo daba gal ku sameysay ninkaasi, Isaga oo la sheegay kadib markii u dilka fuliyey inu galay Goob Saldhig Boolis ah oo ka agdhow halka u dilku ka dhacay, Ninkan ayaa aha Askaari ka tirsan Ciidanka Ammaanka, waxana la sheegay inu Lacago ku soo qatay dilka noocan ah isaga iyo kooxo kale sidaa u sheegtay markii ciidanku qabteen

Ilo ku dhow dhow Booliska ayaa xaqiijiyey inu xiriir dhow ka dhaxeeyo Ninka dilka fuliyey Iyo Wadadka Buuraha ku Nool ee Sheekh Maxamed Siciid Atam

Askaariga Dilka fuliyey ayaa xiligan ku jira Xabsiga Dekedda Bosaso, Iyada oo magaalada qeybo badan oo ka mid ahna Aay ka dhacayso Rasaas aan la aqoon Micnaheeda

Dad badan ayaa aay arrinkan ku abuurtay walaac daran, madama dadka Cimamadaha afka kusoo duuban oo Shacabka Iyo Masuuliyiinta dilaya aay noqdeen kuwa ka tirsan Ciidankii Ammaanka oo ah halkii loo carari laha

Isku sooo Wada duubo Ma’aha Markii Ugu horreysay ee Xildhibaan ka tirsan Dowlada Puntland la dilo, balse waxay aheyd 11 Bishii November ee Sanadkii hore markii Magaalada Garoowe lagu kharijiiyey Xildhibaan Ibraahim Cilmi oo ka tirsana Golaha Wakiilada DPL

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers