Bosaso Oo Masaajid Ilaalo La Dhigay


Kadib Dilal Qorsheysan oo lala Beegsaday dad ka soo baxay Masaajida ayaa Ciidanka Ammaanku bilaabeen in aay ilaalo xoog leh ka qabtan Masaajida magaalada Bosaso kuwooda ugu waweyn

Masaajida Ciidamada ilaalada la keenay ayaa intaa badan ah kuwa aay ku tukadan dad Masuuliyiin ah iyo weliba Ganacsato caan ka ah magaaladu

Ugu Yaraan Saddex Askaari ayaa lagu arkay Habeenimadii xalay Masaajido badan oo ku taala magaalada Bosaso kuwas oo aay kadib Salaadii Makhrib aay Banaanada iyo weliba goobaha u dhow dhow aay fariisteen, iyaga oo dhulkaasi aan ka sameyn wax baaritaano ah balse isha ku hayey dadka iyo Dhaq dhaqaaqa goobaha u dhow dhow Masaajida, in kasta oo ciidanku Masaajida ka tegey Kadib Saladii Cishe

In badan oo ka mid ah Masuuliyiin iyo weliba dad Shacab ah ayaa la dilay iyaga oo ka soo baxay Masaajid xiliyada Makhribka iyo Cishaha, taasi oo keentay in Ciidanka Dowladu ilaalo ka qabto uuna suugo Amniga dadka ku Tukanaya Masaajida oo aan la aqoon Sababaha loo dilayo

Masaajidada Ciidanku ku sugna ayaa waxa ka mid ah Alrashiid, AlAqsa, Huda, Fatima, Raxma, Shibiin, Almajiid, Iyo Weliba Ibraahim

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ayaa ka woda magaalada Hawl galo aad u waweyn kuwas oo lagu Ugaarsan Dadka Amni darada ka woda magaalada Bosaso, In kasta oo aan weli sii dhab ah loo ogeyn cida ka dambeysa arrimaha dhacaya

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers