
Wasiirka Warfaafinta isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo dhaqan Ee Dowlada Puntland Ee Soomaaliyeed C/xakiim Axmed Guuleed ayaa Maanta Xafiiska Warbaahinta LaasqorayNet Ee Magaaladda Nairobi Ee Xaruunta Wadanka Kenya Marti uga ahaa Wuxuuna Siiyay Waraysi Khaasa oo dhinacyo badan taabanaya.
Dhegeyso Waraysiga Wasiirka Warfaafinta DPL
Ugu horeyn Sacaata Wasiir kusoo dhawoow Warqabadka Caalamiga Ee Laasqoray.Net.
Waad Mahadsantihiin Laasqoray.Net Sida Fiican Ee aad ugu shaqeynaysaan Umada Reer Puntland iyo tan Soomaaliyeedba.
SU: Sacaata Wasiir ugu horeyn bal waxaad Warbixin naga siisaa Amaanka Guud Ee Dowlada Puntland Ee Soomaaliyeed haatan waxa uu ku sugan yahay.
JA: Amaanka Guud Ee Puntland Aad iyo aad buu u fiican yahay Wuuna haagaagsanyahay inkastoo baryahan dambe dhaqan cusub oo Reer Puntland hore u aqooon Somalida kalena aysan ku aqoon hada kusoo kordhay taasoo ay la wadaagto mandaqada ay ku nool yihiin gaar ahaan Somaliya guud ahaana Geeska Africa.
Marka lagu fiiriyo Boqolay ama percentage Amaanka Puntalnd Aad buu u fiican yahay qaraxyada yar yar ee lala beegsanyo Masuuliyiinta iyo dadka Acyaanta ah iyo Waliba Culima-awdiinka Sida Waxashnimada leh ee la tooganayo yagoo Masaajid ka soo baxay, dhaqan ay reer puntland lahayd ma aha waa wax ugub ku ah Waxaana la tacaalaya qeybaha ka duwan Ee Ciidanka, Waxaan rajeynayaa raad fiican bay ku daba joogaan inaan ka hor dhaco ma doonayo dhawaana waxaan ku rajo weynahay in lasoo afjaro dhacdooyinka caynkaasa.
Fursadan Waxaan uga Faa’iideysanayaa inaan ugu baaqo dadka reer Puntland Amaanka idinka ayaa iska leh hadaydinaan ilaashan Dowlada Kaligeed kuma fila, “War Reer puntlanow Nabadda Xejista hadii kale meelaha qaar Somaliya waxa ka socda ayaa ka dhacaya”

Masuuliyiin Sar Sarre Waxay ii sheegeen Sadex bilood oo ay joogeen Magaaladda Muqdisho inay u suuroobi weyday inay Masaajidada ku tukadaan, Nabada hadaan hada wax laga qaban bari waxaa laga doonaya meel fog oo aan la gaadhi karin reer puntlanow Amaankiina Xejista.
SU: Inkastoo hada laguu macaabay Wasaarada Warfaafinta oo aadan Xog badan haynin haysayeeshee waxan jeclahay inaan ku weydiiyo ma jirtaa Cid gaara oo loo qab qabtay falalka Amaan daro sida qaraxyada iyo dilal, dadka qaar ayaa waxay leeyihiin Sacaata Wasiir Waxa Arimaha Nabada lagu carqaladeynayo ka wada Puntland Waa dadka kasoo barakcayo Koonfurta Somalia.
JA: Xaqiiqdii qadiyadaas inaan ka hor dhaco madoonayo Ciidamada Amaanka ayaa baadhitaan wada baadhitaankoodana ma rabo inaan tashuush ku furo Laakin Cid gara si gaara looguma eedeyn karo qadiyadasi waxay la xidhiidhaa Waxa Ka socda Geeska Africa gaar ahaan Somaliya.

Sacaata Wasiir hadaan intaad uga gudubno ama aan ku dhaafno Arimaha Amaanka Puntland.
SU: Waxaan Markan ku weydiinaya Waxa jira Sida aynu la wada socono Wariye ka tirsanaa Idaacada VOA Laanteeda Afka Somaliga oo ku Xidhan Magaaladda Garoowe Islamarkan la sheegay inuu u xidhan yahay Dowlada adna aad haatan tahay Wasiirka Warfaafinta Dacwad caynkeeya Caynkeeya ayaa ninkaas loo haysta.
JA: Aniga Sideydaba horta taariikhdeydu aniga Saxafi ah hadana hadaan fursadan noqday Wasiirka Warfaafinta Isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka Difaacaha Wariyaha dhabta ah Ee Xaqiiqda ah Jinior Reporterka ah waa Aniga mana ogaal doono xaqa iyo Xuquuqda uu leeyahay Wariyuhu Sidoo kale waxaa wariyaha laga rabaa inuu Anshaxa Saxaafadeed ama Takhasuskii Saxaafadeed ilaaliyo oo laftigiisa waxbaa qeydaya.
Wariyaasha inta badan waxaa iskaga khaldama Saxaafada Xorta ah Macnaheeda Waana Wax u baahan in la iska kaashado sidii loo fahmi lahaa.
Hadaan usoo noqdo Ninka Wariyaha ee ad i weydiisay Waxaa la yiraahdaa Maxamed Yasiin Isxaaq Waxaana la xidhay 21 bishan waxa lagu xidhayna ma aha wax xidhiidh la leh Mihnada Saxaafadeed ee uu ku hawlanaa haday taas ahaan lahayd mar hore ayaa lasoo xidhi lahaa muduuna sii shaqeynayay.
Ninkan waxa lagu hayo Waa Tuhun Weyn oo Faldambiyeeda oo la dabataagnaa in mudo ah faro badana laga hayo hadii ilaahay raali ka noqdana dhawaan waxaa lasoo taagi doonaa Maxkmad dee cadaalada horteeda wuxuu ka helo ayuu helayaa,mana aha waxa lagu haysto habayaraatee wax xidhiidh la leh Saxaafada.
Qofka Saxafiga ah Waa Shaqsi caadiya waxaana qabanayo Sharciga qabanaya Qofka Dhakhtarka ah Waxa qabanaya sharcciga qabanayo Siyaasiga iyo Ganacsadaha wariyuhu Sharciga kama sareeyo ee sharciga ayaa ka sareeya wax kasta.
Ninka Sharciga jabiya ama qof dila am wax criman ah gala ama Xeer Ilaalintu ku tuhmaan inuu ku jiro fal dambiyeed Xeer ilaalintu waxay xaq u leedahay in ay booliska ku amarto in la soo xidho hadii tuhunku ku cadadana Maxkamad lasoo taago hadii tuhunkaasi ku cadaado waxaa la marinaya wixii uu waajib u leeyahay hadii kale waa la sii deyn
Qadiyadaas marlabaad baan ku celinaya Maxamed Yaasiin Isxaaq uma Xidhna Wax la Xidhiidha Mihnad Saxaafadeed.
SU: Sacaata Wasiir Su’aal kale ayay dadku is weydiinayaan oo ah Puntland Maadama ay Sameysatay Astaan Calan iyo Hees u gaara miyaan la odhan karayn bay leeyihiin Puntland Waxay u tafaxaydanaysa ama ay u dunuunacysa sidii ay u go’ilahayd Sida Walaaha Waqooyi ee Soomaalilanad ee ay ood wadaaga yihiin Puntland oo runtii in kabadan 20 Sano raadinayay Ictiraag walina aan helin Maxad taas kaga jawaabaysa Sacaata Wasiir.
JA: Su’aashasi waa maya Mida hore Dr Madaxweyne C/raxmaan Faroole Waa Aqoon yahan Soomaaliyeed Waana horyaal ama Hormuud buu u yahay Sidii Somaliya nabad loogu soo dabaali lahaa Dowlad dhexe oo macno lehna uga dhalan lahayd.
Tankale dadk reer Puntland Waxay caan ku yihiin ilaayo guumaysi la dirirkii inay maal iyo muqur iyo maskax iyo waliba wakhti ku bixiyaan Midnimada Soomaaliyeed dad lagu yaqaano qeybinta iyo dilaalka umada Soomaaliyeed ma ahan ilaayo hadana tii bay u taagan yihiin.
Reer Puntland Waxaa la odhan karaa mar walba yaga horseed u ah Waxaana runtii marag ma doonta ah Wixii Shirar dibu heshiisiina ee la qabtay Waa meesha kaliya ee wax ku biirisay hadii ay noqon lahayd dhaqaale iyo muqur labadaba
Hadana waxaadba arkaysaan inuu Madaxweynaheenu bixinayay Fursado Dowlada Fadraalka waliba qeynta sharciyada Constutionka ee hada sameynaysa dastuurka ay Dowlada Puntland Maal galinayso.
Runtii qadiyadaas gooni isutaaga Waxaa faafinaya dad warxuma tashiila oo maangaaba Wax ka jirana ma aha.
Puntland Waxay Xaq u leedahy inay sameysato Calan iyo hees yada Astaan u ah waana wax iska caadiya oo aduunka meelaha fadraalka lagaga dhaqmo ka jira waa hadii layahay horta Fadraal doon, 13 Nooc ayay jaamacadaha nagu soo bari jireen inuu Fadraal jiro
Waxaas oo dhana waxa cover garayn kara Dastuurka Dastuurkana wali Sifiican looma habayn
Waraysigan Waxaa soo qaaday Agaasiamaha Guud Ee Warbaahinta Caalamiga Ee Laasqoray.Net isagoo Codana iinsha allaah waxaan idiin soo gubinaynaa Sida ugu dhakhsaha badan
Liibaan C.rashiid Siciid
Agaasimaha Guud Ee Laasqoray.Net
Filed under: Uncategorized