Ogaysiis Jaaliyada Somaliyeed Ee London UK

Baaq Free Abdulle Ku Dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed Baaq Ka Soo Qeyb Gal Mudaharaad Dhacaya Maalinta Arbacada 30-12-09

Kana Dhacaya Magaalada London Uk Loogana Soo Horjeedo Sida Dowladda Denmark Ugu Tumatay Xuquuqda Abdulle.

Mudaharaad Balaaran Loogana Soo Horjeedo Sida Loogu Tuntay Xuquuqda Wiil Soomaaliyeed Oo Dhibaatooyin Loogu Geestay Dalka Denmark Welina u xiran Dowladda Danishka oo dhacaya 30 -12-09 kana dhacaya magaalada London ee Dalka Uk fadlan dhamaan qof walba oo damiir iyo danqasho binu aadamnimo leh waa nagala qeeyb qaadan karaa gacmo furan ayaana kusoo dhoweeynaynaa.

Dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee Dalka Uk gaar ahaan magaalada London waxaanu idinka codsaneeynaa in aad 30ka Bishan

maalinta Arbaca ah aad kasoo qeeyb gashaan dhamaantiin Waayeel ,

Dhalinyaro, Caruur mudaharaadkan balaaran oo looga soo horjeedo

sida loogu tuntay xuquuqda wiilkan oo ku xiran dalka Denmark oo mud ku dhow 10 sano si arxan daro ah loo jirdilo looguna tijaabiyo daawooyinka cudurada dhimirka isaga oo wax dhib ah ama danbi ah galin.

Mudadaas 10 sano ah waxaa loo diiday wiilka in ay booqdaan waalidkiis uuna marna ku xir xiranyahay sariir marna kursi oo ah wax ka baxsan xuquuqul insaanka.

Hadaba walaalayaal waxaan idinka codsaneeynaa in aad codkiina muujisaan kuna muujisaan in aan lagu tuman xuquuqda caruurteena kasoo bad baaday dhibaatada kajirta Dalkeeni hadaanu yeelno midan beri beey ka dhici wadamada kale ee Europe sida ay hada uga dhacaan wadamada kale ee Caalamka ah hadaba waa inaan ka hortagnaa difaacnana shaqsi walba oo soomaali ah ee dhib loogu gesanayo dalka dibadiisa gaar ahaan Qaarada Europe.

Waxaa lagu mudaharaadi doonaa haduu ale idmo safaarada dowladda Denmark ay ku leedahay dalka Uk gaar ahaan magaalada London waxaana loo gudbin doonaa qoraal muujinaya sida aanu uga danqanay walaalkeen soomaaliyeed oo ay dhib muuqda u geestay dowladda Denmark inaga oo muujineeyna sawirada Abdulle

isaga oo uu ka muuqdo dhibka lagu hayo loona geestay.

Sida uu u dhacayo mudaharaadka insha alah iyo sida lagu imaan karo waa sidan.

Meesha safaarada kaga taal magaalada London,UK

Safarada Danishka

55 Sloane Street

London

SW1X 9SR

BY TUBE

Piccadilly line to Knightsbridge

District or Circle line to Sloane Square

BY RAIL

Victoria Station

BY BUS

137, C1, 19, 22

———————————————————————————

Heestaan waxaa loo tiriyey wiilka soomaaliyeed ee dhibka ku hayaan dalka

danmark

mudada dheer ee lagu magacaabo cabdulle axmed

———————————————

Magaca heesta Siidaaya Abdulle!

—————-

danbi muusen galin

dadna muusan layn

duunyo muusen dhicine´´ee

siidaaya siidaaya

siidaaya abdulle

duulkaan naxayn

cadowgaan kugu soo dagay

kugubaarta daawada

danta kaa lahayne´´ee

siidaaya siidaaya

siidaaya abdulle

daah kamasaarna

daa´in wuu arkaa

danuubtay galaayaane´´ee

siidaaya siidaaya

siidaaya abdulle

saaxiib iyo daris

arday iyo macalimiin

kuudiide booqosho iyo

tlf. laguu diro´´ee

siidaaya siidaaya

siidaaya abdulle

dowlada iyo shacabkoow

wasiirada ladoortow

maxkamadaha dacwadow

dhamaan deenishow

siidaaya siidaaya

siidaaya abdulle

 

 

Heestaan waxaa curiyey Abwaanka D.M.C.X warqabe.

casuura2@hotmail.com

—————————————————————————-

Walaal wixii faah faahin ah igala soo xiriir mailkan.

Mahadsanid

http://freeabdulle.info/

Freeabdulle comite

M. Axmed

—————————————————————————–

Abdulle (facebook)

http://www.facebook.com/pages/Freeabdulle/70553338778

Abdulle (Youtube)

http://www.youtube.com/user/Freeabdulle

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers