Tabaandho Dhacday Oo Lagu Qabtay Dekeda Bosaso

Waxaada Wafayadhowrka ee Dekedda Bosaso Iyo Weliba Ciidanka Dowlada Hoose ee magaalada Bosaso ayaa ku qabtay Dekedda Bosaso Tabandho Ama Yaanyo Shiid Shiid Dhacday

Gudoomiye ku Xigeenka Dowlada Hoose Cabdiqaadir Maxamud Aaden Jicif ayaa sheegay in Tabaandhada laga keenay dalka Yemen ayna keenen koox Aan ganacsato lagu tilmaami karin

”Tabandhadu waxay ka timid Yemen, waxay dhacday 15 Bishan, Waxana la keenay Dekedda 12 Bisha, Waana 360 Kartoon, Waxa keenay kuwa aan lagu tilmaami karin Ganacsato madama aay yahiin kuwa Shacabka Sumeynaya oo wax dhacay raba inay ka Iibiyan” Ayuu yiri ku xigeenka Duqa Degmada Bosaso

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Badda Abshir Siciid Faarax oo isaguna Saxaafada kula hadlay Guddaha dekeda ayaa sheegay in Qabashada Allaabtan aay iska kashadeen Dowlada Hoose iyo weliba Waxaada Fayadhowrka Dekedda Bosaso, Kuwas oo u sheega inu sii weyn ugu Mahadcelinayo, Waxa u sheegay in Arrinkaasi Shacabka laga qabto aay ku guuleysateen Iyagu, waxa u sheegay dowlada Puntland aay hada iyo goor u tagan tahay Ilaalinta Caafimaadka Dadkeeda

Ganacsatada Magaalada Bosaso ayaa intaa badan lagu Eedeya inay shacabka u Keenan wax dhacay , kuwas oo in badan aay shacabka Ku sumeeyan

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers