
Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku dilay magaalada Gaalkacayo gabadh Masiixi Ah oo Somaliyeed oo lagu magacaabo Amiin Muuse Cali, Gabadhan oo 45 Sano jir ah ayaa la sheegay in aay in muddo ahba la kulmaysay Hanjabado uga imanayey kooxda Ahlu Sunna
Gabadhan ayaa la sheegay in la dileen saddex nin oo hubeysan kuwa oo ka tirsan Maleeshiyada Ururka Ahlu Sunna, 19 October ee Bishan
Amiin Muuse ayaa la sheegay in muddo ahba in la sheegayey in aay xirato Xijaab, in kasta oo aay arrinka ka dhego adeyktay
Gabadhan Masiixiga ah ayaa la sheegay in aay diinta qadatay muddo hore, waxana aay gabadhan ka tirsaneyd sidaa la sheegay Khaniisad dhulka hoostiisa ku taala oo ka dhisan Gobolka Jubadda Hoose
Dilka gabadhan ayaa ku soo beegmaya iyada oo hore Shabaab aay dileen dad badan oo ka tirsan Masiixiyiinta Somalida, waxana ugu dambeeyey Dilkii Bishii hore lagula kacay Cumar Khalfe oo 69 Sano jir aha kaasi oo lagu dilay Isaga iyo labo caruur ah oo u dhalay Meel kantarool ah oo u dhow degmada Marka, kadib markii Xarakada Alshabaab aay ku qabteen Kutub ka tirsan Baybalka oo u woday
Sidoo kale Shabaab ayaa dilay Axmed Mataan oo isaguna 41 sano jir ah, 18 August, waxayna ku dileen Degmada Bulaxaawo
Xigasho Bos N ews Life
Filed under: Wararka