Dagaalo Iyo Madaafiic ka dhacay Muqdisho (Warbixin Kooban)

Dagaalo

Dagaal kharaar ayaa mar kale Saaka Waaberigii mar kale ka bilowday Wadada Makka Almukarama, halkaasi oo aay fariismo ku leeyahiin Ciidanka Amisom iyo Kuwa DFKMG ee Somaliya, oo isku garab ah iyo Weliba Xarakada Alshabaab

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Shabaabku weerar ku soo qadeen Fariisimaha Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladu aay halka ku leyahiin

Dagaalka ayaa waxaa bar barsocday Madaafiic xoogan oo ku soo dhacaysay degmooyinka Hawal Wadaag iyo Hodan ee gobolka Banaadir kuwaasi oo sababay Khasaare gaaray dadka Rayidka ah, Sidoo kalena hakiyey Dhaq dhaqaaqii dadka iyo gadiidka ee degaanada

 

Inta la ogyahay waxaa dagaalada iyo madaafiicda isbar barsocday ku geeryooday 5 Ruux oo Rayid ah halka ay ku dhaawacmen ilaa 11 kale oo iyana rayid ah Sidaa aay dadka degaanku u Sheegen Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho

Dhanka kale Dagaal kooban ayaa isaguna Saaka ka qarxay Xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo aay Xarakada Alshabaab weerar ku soo qadeen ciidamo ku sugan oo ka tirsan ku Amisom gaar ahan Ciidanka Burundi

Dagaalka ka dhacay Kuliiyadii Hore ee Jaalle Siyaad ayaa waxa u sababay dhaawaca Saddex qof oo Rayid ah

Xarakada Shabaab ayaa intaa badan weeraro noocan ah la beegsata Xurumaha Dowlada Iyo Weliba kuwa Ciidanka Amisom

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers