Caruurta Darbi Jiifka Somaliland Waxay Ku Sugan Yihiin Xaalad Ah Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna!


Muna

Caruurta ayaa ah ubax uu ku faano dal kasta oo dunida guudkeeda ku yaalaa waxaana loo suura galiyaa in dhismaha noloshoodu noqdo mid ay ku taabo galaan iyadoo loo carbiyo in ay yihiin hogaamiyayaashii bari. Hadaba nasiib daro caruurta ku dhaqan s/land ayaa ah qaar ka quustay rajadii nolasha isla markaana waayey taageero dawladeed iyo tu cid kale toona caruurta reer s/land waxay isugu jiraan 3 dabaqadood oo kala ah

1.kuwa ugu tirada yer ayaa ah qaar ka soo jeeda qoysas ladan oo iyagu hela tacliin fiican iyo nolol dhamaystiran

2.kuwa dabaqada dhexe ayaa iyagu hela tacliin aan fiicnayn waxaanay ku noolyihiin nolol qaadaa ma dharge ah

3.kuwa dabaqada seddixaad ayaa ah kuwa ugu tirada badan waxay ku noolyihiin nolol adag oo aad u rafaad badan iska daa wax barasho ay helaane waxaa ay la liitaan macaluul ma haystaan cid ay ku tiirsadaan caruurtan ayey dantu ku kaliftay qaarkood in ay miciin bidaan maan dooryaha loo yaqaan xabagta kaas oo ay u isticmaalaan sida ay ii sheegeen in ay isku dhaafiyan gaajada iyo qadhaadhka nolasha ay ku suganyihiin waxaa hoy u ah ubadkan dariiqyada iyo goobaha xashiishka lagu qubo ma helaan waxay ka jirsadaan dhaxanta iyo roobabka waxay marka naftu qabato ay xaab u doontaan hotelada magaalada hargaysa halkaas ooy ka helaan cunto aan nadiif ahayn oo la daadiyey taasi oo ku sababi karta caafimaad daro kaaga darane aanay haysan cid ka dawaysa cusbitaalka dawlada ayaan marnaba tabaruc u samayn muwaadiniinta tabaalaysan gaar ahaan ubixii dalka ee ay ahayd in la barbaariyo wasaaradaha ku magacaaban caruurta ayaan wax dareena u lahayn ubadkan ama aan ka Warhaynba

Sidoo kale hay’adaha sheegta in ay u gargaaran caruurta ayaa iguna ka dhago la’a dhibta haysata caruurta darbi jiifka s/land gaar ahan hargaysa caruurtani ayaa wakhtiyadii hore waxay ahaayeen wiilal kaliya balse waxaa wax laga naxo ah in ay hada ku soo biireen hablo aad u yaryar oo la wadaaga wiilasha daraagiska xabagta tirade caruurtan ayaa maalinba maalinta ka danbaysa kor usii kacaysa isku soo wada xooriyoo caruurtan waxay ku sugan yihiin xaalad ah Cidna uma maqna ceelna uma qodna

Wariye Muna Casayr Jaamac

Oo ka tirsan SLSC Tv Iyo Radio Horyaal

One Response

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers