Shabaab oo dib u riixay Axmed Madooobe


Dagaalka

Dagaal kharaar ayaa maanta mar kale ku dhexmaray duleedka magaalada Kismaayo Maleeshiyo u hoggaaminayo Axmed Madoobe iyo Ciidamada Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin

Dagaalka ayaa dib logu riixay Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadii u Hoggaaminayey Sidaa u Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wilaayada Islaamiga ah ee Jubboyiinka Sheekh Xasan Yacquub

Ma aha markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe Iyo Maleeshiya u Hoggaaminaya Weerar ku soo qadan Magaalada Kismaayo

Dagaalka maanta ayaa la sheegay inu dhaliyey khasaaro isagu jira Dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ee dagaalamay ah

Dhanka kale Ururka Xizbul islaam Ayaa ugu baaqay Xarakada Alshabaab inay dagaalka joojiyan, in kasta oo Shabaabku hore u sheegen in Xizbul islaam aysan wax dagaal ah kala dhexayn balse aay la dagaalsan yahiin Axmed Madoobe oo ah nin u dagaalami Qabiilka Absame

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers