
Waxa maanta kulan loga hadlayo dirirti ka dhacday Degaanada Igdhays iyo Jidmoxor ee Gobolkan bari u ka dhacay Hoolka Shirarka ee Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso
Kulankan oo aay ka soo qeyb galeen Odayaasha labada beelooda iyo waliba Mas’uuliyiinta Dowlada Puntland, Culimada Iyo Waxgarad kale oo badan
Kulankan ayaa ugu horreyntii waxa ka hadlay Culimada Waweyn ee magaalada Bosaso, Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa uu sheegay Odayaasha beelaha in Mas’uuliyaad ka saaran tahay Dadka dagaalamaya loona bahan yahay inay ka hortagan dagaalada ka socda degaanada
Cabdilaahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga Puntland ayaa isaguna ka dhawaajiyey in DPL aay kaga luntay dagaalada Igdhays iyo Jidmoxor Waqti badan oo aay wax ku qaban lahayeen
Faroole ayaa isaguna sheegay in DPL aay dhex dhexaad ka tahay dirirta ka socota Igdhays isaga oo sheegay in Dowlada aay u siman yahiin Beelaha dagaaladu dhexmareen aayna ka go’aan tahay inay dhex dhexaadiyaan arrimahooda
Kulanka ayaa waxa u ku soo dhamaaday jawi is faham ah waxana la filaya in dhowaan aay kala sixiixdan Beelaha degaanadasu Heshiis Rasmi ah
Dagaalada Igdhays iyo Jidmoxor waxa ku dhintay in ka badan 40 qof, waxana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan
Filed under: Wararka