Axmed Cali Salaad ”Konfuur dadka ka yimada dib ayaanu uu celin”

Gaalkacayo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salad ayaa shaaca ka qaday in aay Degaanada DPL ka celin doonan dhamaan dadka Qaxootiyada ah ee ka soo barakaca Konfuurta Somaliya

Gudoomiyahu waxa u sheegay in sii gaar ah aay u bar tilmaameed san doonan Dhalinyarada, kuwas oo u sheegay inay baritaano dheer ku sameyn doonan intaa aysan u Ogolan inay Gudaaha u galan Degaanada DPL

Mudane Axmed Cali Salaad ayaa sidoo kale sheegay in dadka Qaxootiyada sheegta ee ka yimid Gobolada nabada ah aay ka badan yahiin kuwa ka soo kicitamay Magaalada Muqdisho ee dagaaladu ka socdaan, waxana u sheegay in Aay dadka hada kadib indho gaar ah u yeelan doonan

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku soo beegmaya iyada oo Degaanada Puntland aay soo caamireen Boqolaal dadweyne ah oo ka yimid Gobolada Konfuurta Somaliya kuwas oo u badan dad ka soo cararay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho

C M Joowe

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers