
Waxaad moodaa in ay ku tasahadeen madaxweynayaashii waddankeena soo maray 20kii sano ee la soo dhaaafay in ay isku waddo mareen isku sinna wax u wada qabteen, taas waxaan ka wadaa, laga bilaabo madaxweynhii ugu horreeyay ee Cali Mahdi Maxamed iyo madaxweynihii labaad ee Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo madaxweynihii saddexaad ee cabdullaahi Yuusuf iyo madaxweynaha imminka ee Sheekh Shariif sheekh Axmed waxay ka siman yihiin in ay qeybo Muqdisho ka mid ah ku go’doomaan dagaalka sokeeya iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeedna meeshiisii ka sii socdo.
Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu magaca madaxweyne hayaa in ku dhaw hal sano, waxaana xusuustaa markii loo magacaabay jagadaas sidii dad badan oo shacabkeena ka mid ah rajo u gashay, meelo badan oo wadddanka gudihiisa iyo dibbadiisa ayaa laga soo baxay iyadoo loo dabbaaldagayo lana taageerayo madaxwaynaha na loo doortay, waxaan xusuustaa oo kale hooyooyin haysta carruur agoon ah in ay bixiyeen dhaqaalihii lagu bixin lahaa xafladihii lagu taageerayay madaxweyne Sheekh Shariif, haseyeeshe,waxaa muuqata in dad badan oo ay hooyooyinkaas ka mid yihiin ay ku dhacday niyad jab xaalka Soomaaliyana aan haba yaraatee wax is beddal ku dhicin.
Soomaaliya wuxuu maanta u baahan yahay halyay geesi ah oo badbaadiya, halyay ku dhiirran in uu maslaxad iyo nabad dhex dhigo dhammaan inta qoriga haysta, inta qorigaas la watana waa dhib badan tahay in waddanka xasillooni ka dhalatao, dad ayaa aaminsan in ay adag tahay in lala heshiiyo qolyaha hubaysan hayeeshe haddii tabar badan la siin lahaa heshiiska qoladaas in uu isbeddel badan dhici lahaa waddankana nabad ka dhalan lahayd.
Waxaan ogsoonahay in dawlad kasta oo qabiil lagu soo dhiso aan sal lahaan naynin,waa tayno aragnay in madaxweynayaashii hore ay u burbureen sababo qabiil isla markaana ay madaxweynayaashii ka tageen waddankii kadib markii ay sii burburiyeen.
Waxay ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ku heesaan ku gabyaan kuna buraanburaan Soomaaliya ha is raacdo hana midowdo,is raaca iyo midowguna kuma imaanayo qabiil iyo reer hebel in dawlad lagu soo dhiso, waxaana ilbaxnimada iyo xadaarada ka fog in dawlad kasta oo qabiil lagu soo dhiso laga helaynin natiijo wanaagsan ,taasina waxaa markhaati u ah afartii madaxweyne ee soo maray dalka.
Midaynta ummadda Soomaaliyeed waa furaha nabad iyo wadanoolaansho ka dhalata waddankeena, si taas loo helo ayaanu haddii aanu nahay ururka waddaniga Soomaaliyeed qabnaa ama aaminsanahay qodobdan hoos ku qoran
In ay is-uruuriyaan oo ay midoobaan dhammaan aqoonyahanada Soomaaliyeed iyadoo aan haba yaratee isku xuleynin qabiil iyo wixii la mid ah.
In aqooyahanada Soomaaliyeed ay iska soo saaraan guddi dhex dhexaad ah oo nabad iyo heshiisiin ka dhex dhaliya dhammaan inta hubaysan ee isku haysata siyaasadda Soomaaliya.
In aqoonyahanada ay iska soo xulaan guddi la shaqeeya dawladda iyo madaxda ururada hubaysan iyo kuwa aan hubaysanayn ee siyaasadda Soomaaliya lugta ku leh.
Qodobka saddexaad: wuxuu yahay, ka sakow in la helo aqoonyahanno ka shaqeeya suluxa iyo nabadeynta inta isku haysata siyaasadda waddanka sida aan qodobka kowaad ku ku xusan, haddana in la helo aqoonyahanno gaar ah oo si gaar gaar ah ula kala shaqeeya dawladda iyo mucaaridka, kuwaas oo iyagana gacan ka gaysanaya sidii ay iskugu soo dhowaan lahaayeen dhinacyada kala duwan.
Zahra Abdi Hersi, xubin sare ururka waddaniga Soomaaliyeed.

BBC Subax


Gabaygii
Rayiga Akhristaha