25 Nebi Ee Qur’aanka Lagu Sheegay Iyo Sidaa aay isku dhaleen – Suleymaan

son1

Abtiriskiisa waa Suleymaan Bin Daa’uud Bin Ishaa Ilaa Yahuudda Bin Yaqcuub Cs, Wuxuu ku sii aroora Abtiriskiisu Nebi Ibraahim

Magaca Suleymaan waxa qur’aanka lagu sheegay 16 Aayadood, Suuradaha kala ah, Baqara, Nisaa, Ancaam, Anbiyaa, Namal, Saba, Iyo Suuratu Saad, Nebi Suleymaan Cs waa nebi ka mid ah Anbiyadii Reer Binu Israa’iil, wuxuuna illaahey isugu daray Boqortooyo iyo Nebinimo, Sidii Aabihii Nebi Daa’uud oo kale, Boqortooyadiisiina waxay ahayd mid weyn oo ballaaran, mana jiro qof illaahey abuurtay oo la siiyey mulkigii Nebi Sulaymaan la siiyey oo kale, oo waxaa loo aqbalay ducadiisi aheyd (Illaahow isii mulki aan la siineynin qof iga dambeeyo)

MUCJISOOYINKIISII

Nebi Suleymaan waxa loo saqiray dabeysha oo uu u adeegsan jirey sidii gaadiid ahaan, shayaadiintana waa loo saqirey oo waxay ahaayeen shaqaalo amarkiisa ku hawl-galo markuu Nebi Daa’uud dhintey ee uu Nebi Suleymaan la wareegay Boqortooyada wuxuu jiray 12 sanno, taana wuxuu ku muteystay xikmad iyo caqli badni Illaahey isugu daray, xukunka xagiisana wuxuu aha caadil hadalka xubinitiisa ka jara, Nebi suleymaan wuxuu af-garanayey Shimbiraha , Quraanjada Iyo Dhamaan Luqadaha ay ku hadlaan Xayawaanada oo dhan , Nebi Suleymaan waxa Mucjisooyinkiisa la siiyey ka mid ahaa Ila-Naxaas (Bir Dhalaashan) oo soo burqaneyso oo u guryaha ku dhiso waxa uu baahan yahayna ka qaato , Nebi Suleymaan wuxuu Noola 52 Sanno, Boqortooyadiisuna waxay dhisnayd 40 sanno, wuxuu ku Aasan yahay Baytul Maqdas (Dhulka reer Falastiin)

 

Waxa Qoray Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax)