
Taliye ku Xigeenka Booliska Puntland Maxamed Sicidi Jaqanaf ayaa shalay Barqaanimadii Wiil u dhalay Iyada oo loo wada jeedo u nin Rayid ah ku dilay magaalada Bosaso, weliba dil gardaro ah oo cad
Wiilka Jaqanaf oo ka tirsan Ciidanka PIS-ta loo yaqano Ama Ashahado la dirirka ayaa ninkaasi Xabad ku dhuftay kadib markii u muran dhexmaray isaga iyo Marxuumka geeriyooday, Dad halkaasi ka agdhow ayaa sheegay in ninkaasi u Wiilka taliyahu ku dilay Sii gardaro ah
Wiilka Taliyaha ayaa kadib markii u dilka geysatay Tegay dekeda magaalada Bosaso Saldhig ku dhexyaala isaga oo u sheegay Ciidanka Dekeda oo aay isku Jiifo Hoose yahiin inu Soo dilay Nin Jareer ah, taasina Askaartii kama xumaan ee intaa aay qosleen ayay Labo Majood oo qaad ah soo dhinac dhigeen kuna dheheen ”War Fuley yahow, iska fariiso halkaasi, Jareer aad bosaso ku dhex dishay kama duwana Dameer bakhtiyey” Hadalada oo ah kuwa gaf iyo ihaano ku ah Qofka Binu Aadamka ah, Ahna wax aad loga xumado lagana yaq-yaqsodo
Taliye Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa la sheegay inu Makhribnimadii xalay wiilkiisa kala baxay Xabsiga dekeda isaga oo geeyey Gurigiisa, sheegana inu Mas’uul ka yahay isagu arrinka, reerka Qofku ka dhintana u la xisaabtami doono isagu sidaa u hadalka u yiri
Ciidanka Dekeda ayaa ku wareejiyey Taliyaha Wiilkiisa, arrinkaasi oo ah iyaduna Xad gudub kale madama u wiilka Taliyahu yahay gacan ku dhiigle, uuna wax damiin ah yeelan karin madama Sharcigu suugayo, in kasta oo sharciga Bosaso uusan Qaban dadka laga awood badan yahay Ama sii kale Wixii Konfuur ka yimid
Haddaba Akhristow, Maxamed Siciid Jaqanaf wiilkiisa mar hor geyn doona Sharciga, mise Waxa u sheegan doona Xoog, dad badan waxay filayan inu sharciga ka weyn yahay Jaqanaf madama uu xiita wiilkiisa dareensin wayey inu yahay gacan ku dhiigle, oo u habeenimadii xalay u seexday gurigiisa Sii nabad ah, halka Qoyskii Marxuum Ibraahim oo Beesha Jareer weyne ka soo jeeday aay ku seexdeen murugo Iyo geeri Xanuun badan
Dhanka kale Ciidanka PIS-ta ayaa la sheegay inay sawiro ka qateen Marxuumka u shalay Dilay Wiilka taliyaha, lama oga sababta aay u sawirteen iyo Ujeedada ka dambeeysa arrinkaasi in kasta oo dad badan Amiinsan yahiin inay ka leyahiin Ujeedo gurucan

Filed under: Uncategorized