Maxkamada Bosaso oo Dil iyo Xarig ku kala Xakumay dhalinyaro

Maxkamad

Maxkamada derejada Kowaad ee Magaalada Bosaso ayaa dil ku Xukuntay Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ayax ninkaasi oo fal dil ah ugu geysatay maalintii Ciida Tuulada Laag Wiil kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Bacood

Kulanka Maxkamada oo u Gudoominayey Sheekh Maxamed Cabdi Aware Gudoomiyaha Maxkamada Derejada Kowaad ayuu Sidoo kale xakun ku riday Afar wiil oo la socday Gacan ku dhiiglaha Xiligii u dilka geysanayey Mid walbana waxa u ku xakumay  hal sano oo xarig ah, waxana U Gudoomiyaha Maxkamadu sheegay in Qisaasta Cabdiraxmaan Ayax aay noqon doonto mid degdeg ah

Cabdiraxmaan Ayax ayaa la sheegay inu Marxuumka la dilay ku dilay Lacag dhan 5 Kun Oo Shilin Somali ah, taasi oo u rabay inu uga qado Baad ama Leejo, Marxuumka la dilay Iyo Asxaabtiisa ayaa u socday inay Ceel ku yaala Tuulada Laag u dalxiis tagan Maalinkii Ciida, Balse Ninka wax dilay iyo koox Mooryaan ah oo la socota ayaa ka dalbaday Dhalinyarada u ku jiray Marxuumka la dilay Lacag baad ah Taasi oo u Marxuumkaasi ka biyo diiday, taasi oo sababtay inu Cabdiraxmaan Ayax Rasaas ku furo Wiilkaasi dhalinyarada ah, iyada oo u halkaasi ku geeriyooday

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers