
Waxaan in muddo hadda laga joogo maqley , wakhtigaa oo ahaa maalmihii la yiri Wasiirarada Federalka ayaa la isku shaandheynayaa , oo ay tahay arrin caadi ah , oo waa arrin dhacda marwalba kana dhacda dunida oo dhan ayaan hadana maalmo kadib waxaan maqley in Wasiirka kowaad (raisul-wasaaraha) uu bedbedeli karo ama isku shaandheyn karo , ama ka kaaftomi karo oo keliya Wasiiradiis, bal eeg wasiiradiisa, wasiiradiisa macnaeheedu waa maxay? Waxaan Xasuustey marka uu Mr FARJAC weydiinayo TAKSIILE (TAXI DRIVER) IBBI ” WHO IS YOUR BOSS” waa su’aal meesha ku jirto, anoo qeexayo afsoomali ahaan bal horta waxaad doonto samee ee ” YAA KUU TALIYO” Qalinka ku soo duugtaye, ee yaa kuu taliyo? hadaan dib ugu noqonno wasiiradiisu ama wasiirada ina CABDIRASHEED waa kuwa uu isagu soo dhisey ama soo xushay , hadabo waxaa jira kuwa kale uu SHIIKHA SHARIIFKA ku soo darsadey magacyadooda oo uu u dhiibtey raisalwasaaraha oo macnaheedu yahay kuwan waa kuweyga. Hadabo wazaaraduhu iyo waziiradu waxay noqdeen
Kuwo lakala leeyahay, si kale hadaan u dhigo wasiiro ah kuwii hore iyo qaar kaloo cusub oo reer IMBIGAATI ama reer baydhabo.
iyo kuwo reer SHIIKHA SHARIIFKA oo ah reer CUMAR GEELLE AMA Ahmed wald cabdalla, waxaa halkaa ka muuqato LABA DAWLADOOD oo VILLA – SOMALIA ku wada hoyda. marka waxaan u soo noqoneynaa su’aasha WHO IS YOUR BOSS? YAA KUU TALIYO? jawaabta saxa ah waxaad heleysaa hadba wasiirka aad weydiiso , hadaad JANAQOOW weydiiso wuxuu ku odhan SHARIIFKA hadaad shariif sakiin weydiiso wuxuu ku odhan shiikh SHARIIFKA , kuwa kalena sidoo kale CUMARANI (ina cabdirashiid).———– Proff FARJAC iyo SOMALI oo dhan, siiba reer puntland waxaa ay la yaabeen oo amakaag ku noqotey EX-taksiile hadda oo laga dhigey wasiirka KALLUUNKA IYO BADAHA oo Horboodayo wasiirka kowaad ama raisulwasaaraha DAWLADDA FEDERALKA SOMALIYEED , xataa aqoonta uu sheeganayo haduu leeyahay wuu xishoon lahaa wuu ka fiirsan lahaa . Professoor sidaas u fudud lama arag lama maqal. hadabo maxaa ku kallifey arrinkaa, iyo hadana isagoo wareysigiisa VOA uu PUNTLAND ka dhigey meel wuxuush joogto, isagu waa reer xudur sida naloo sheegey ma booqan karo magaaladiisa, wax tala ahna kuma laha gobolladiisa marka in uu gobollo kale uu wax ka sheego wuu ku qaldan yahay. wax door ah uu ku leeyahay gobollada kale ee somaliya ma jirto. EX-TAKSIILE dood uusan ehelba u ahayn ayuu FARAHA LA GALAY.
Burcad badeed waa wax jiri jirey qarnigii 16aad iyo 17aad , rag maraakiibta ka shaqeeya markii xaqoodii la duudsiiyey oo dhacay bey ahayeen oo maraakiibtii laga tuurey kuwaas ayaa waxay ku aargoosan jireen iney dib maraakiibtaas dib u qafaashaan oo xaqoodii soo dhacsadaan, oo xoolaha ay maraakiibta ka helaan dadka iyaga ka sii maskiinsan u qeybiyaan , IBBI qadhmuun buu daacay, siyaasaddana surinki ay lahayd wuu kala leexday.
Hadabo Akhristoow sanafyadu(noocyada) dadku way badan yahiin : ISAGU waa sanaf SABBAAXADI KEENTO = INA- SALIID WEEYE.
Inuu abda’yahay (bilbilow- alifwaxmaleh) Dooni jabuuti ka timaado ilig ma u soo hoyan kartaa .Dooni ka imaato Kaaraan —-Bareeda wax ma ka qaban kartaa. Caqli iyo Aqoon xumo darteed , bal in uu doxore waalan yahay waxaa daliilkeeda ah meel aan loo dirsan (waa arrimaha puntland ee) yuu daf soo yiri. Aaar miciyo dhaadheer adaa galay afkiisiye,
Abwaanku wuxuu yiri : Beentiyo runtuba waadhow bay kala baxayaane , aan baxnaansho xaajada kobtii badhida loo saaro.
Gobanimo inay hodan tahay, oo horay naloo siiyey
hanti tiisa isagoon wadaninoon , tolkii iga horeynin
Halac Dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye. === PUNTLAND waa tii sannado hayn jirtey RRE Shaar gaduud iyo aasaaskii RRE — WAXAAN GARANAYAA shaar guduud wuxuu ahaa ninkii ama sarkaalkii bilaabey in uu ka hortago ama la dagaalamo oo ka dhiidhiyo maliishiyaadkii uu CAYDEED kala yimid GALGADUUD , BAY iyo BAKOOL caydeed BAA KU HABSADEY dadkii gobolladaas deggenaa waxay noqdeen wax rasaasta caydeed disho iyo wax gaajo disho ileen dhul lama beeri karee .
sheekadan waxaan ku keeney Mr SHAARGADUUD (halac dheere) in uu isaga iyo madax kaloo farabadan PUNTLAND u soo martiyi jireen oo caasimada garoow u ahayd meel ay ka duulaan xag dhaqaale iyo xag saannad ba , Cabdillahi Yusuf waa ninkii hayn jirey sannado RRE. Waagaas BAYDHABO,IYO XUDUR beesha caalamka waxay u bixiyeen the DEATH CITIES , madiinatul moowt,siiba baydhabo , puntland baa ugu horeysey gurmad xag walba si ay isaga kiciyaan maliishiyaadka USC. hadabo weydii IBBI “WHO IS YOUR BOSS” TAARIIKHDA waxbey ku bareysaa .
Waa ku mahadsantahay akhristow waqtiga aad siisey maqaalkan ama qormadan
Ahmed kisima
Filed under: Uncategorized