
Website-kii caanka aha ee Abaaqaroow ayaa muddo kadib hawada dib ugu soo laaban doona, Maalinimada beri ah
Abaaqaroow ayaa muddo dhowr bilood ah hawada ka maqna sababo farsmo awgeed, balse waxa hada dib logu soo celina doona hawada sidaa waxa u sheegay Somalifans Online, Wiil Waalka Abaaqaroow Mudane Yasiin Cabdi Jire
Agaasimaha Guud ee Somalifans Yusuf Cali ayaa sii diiran u soo dhoweeyey dib u soo noqoshada Abaaqaroow, ”Anigu shaqsi ahan Abaaqaroow waxan aheyn mataano, weliba waxan ka jecla wax kasta, waxa u ii aha hoggaamiye, aad ayaan ugu faraxsan ahay Soo noqoshadiisa” Ayuu yiri Yusuf cali
”Dhowr jeer ayaan codsi u diray Wiilwaalka Abaaqaroow, waxana ka codsaday inu webka dib u furo, weliba hawada ku soo celiyo oo cilada dhanka farsamada la xaliyo, aniga kaliyana ma aha ee Shacab weynaha Jecel saxaafada xorta ah dhamaan waa aay dalbadeen oo waxay codsadeen in Abaaqaroow dib loo soo celiyo, waana mahad Alle Mar hadii u Yasiin cabdi jire aqbalay arrinkaasi” Ayuu Yiri Yusuf
”Waxa jira in been iyo hadalo aan jirin aay qoreen website-yada qeybtood kuwas oo aay ku sheegen in Abaaqaroow la xiray, waxan leyahay Taasi ma jirto waa been, abaaqaroow waa soo rogaal celiyey, Hade Wiilwaalna hawada waa ku soo jira, ka naxo nafta waa”
”Waxan leyahay, saxaafada Iyo waliba kuwa jecel saxaafada xorta ah Halyeeygii saxaafadu dib ayuu ugu soo noqday hawada, Gacamo furan ha lagu soo dhoweeyo, waa Aabahii Saxaafada xorta ah, waa shaqsigii ugu horreyey ee saxaafada xir xiran ee Somalida tuusa in la is dhaliili karo, la isna sax karo”
”Anigu waxan ku ammaano oo aan weli ku xasuusto Mudane Yasiin Cabdi Jire Wiil waalka Abaaqaroow, waxa ugu weyn inu aha Saxaafiga kaliya ee ruun ka sheega wax kasta, taasna waxa ka marqati ah dhamaan dadka yaqana Saxaafiga weyn ee Somaliyeed Wiil Waalka Abaaaqaroow” Ayuu Yiri Yusuf Cali
Filed under: Uncategorized