
Dhowr maqaal baa indhahaygu milicsadeen; hadaba si aad ula socoto sababta aan maqaalka u soo qoray, walaal akhriso maqaaladaan, ka dibna maskaxdaada ka tasho, gunaanadkaad doontana gaar. Maqaalka hore waa: Somalia: Can Anyone Trust a Hyena to Take Goats to The Field? Riix Halkaan iyo laba maqaal oo raxanreeb ku soo baxay oo kala ah: Puntland iyo Walad Cabdala maxay ka wada hadleen…? Puntland oo digniin u dirtey dowladda Sheekh Shariif. Iyo maqaal hadaaftinimo iyo allpuntland ku soo baxay Riix Halkaan (google the articles and you will find them).
Hadaba wallow aan jeclaan lahaa in aan falanqayo oo lafa guro siyaabaha ay siyaasadu isu guraneso, kadibna aan odoroso meesha ay sal dhiganeyso, waxaan arkay in dadka badidiisu aaney aaminihayn; ayna haboon tahay in waxyaabo sahal ah la tusiyo, meel fogna aan waxba laga odorosin. Hadaba maqaalkayga ha ka sugin in aan siyaasad kaga hadlo, dadka qaarkood sida Professorka hadalku u dhacayo horayba uu u yiri, idaacdahana uga sheegay: “dadbaa webside yada wax iskaga qoraya, waxna kama jiraan wararka ay sheegayaa”. Prof. Ibbi ninkii wuxuu yiri “Wadar iyo waaxid kee waalan?”. Ma saxaafadu waxay qoreyso baa been ah? Hadee dhoodaa wuxuu yiri “Goojaaaxadaa ka weyn guntiga lagu gufaynaayo..”. Reer Ohio badankooduna “Lax” bay kaa dheheen.
Shalay badahaad gadateen, weli lama ilaawine ogow. maantana afartii doonyood ee Puntland loogu deeqay u diiday, labadii koonfur la siiyeyna qaadatay. Balaaqada carbeed baan ka soo bowsaday oraahda tiraahda “Fa Keyfa U Caawiduka in haadaa athara faisika”. Ma hadaad tanna ku dartay? Hadaladaada dib ma u laqday? Prof. Ibbi ma Puntland xumaheedaad u soo tafa xaydateen? Waxaad ka heshaan waxba hanaga siin. Sua’aalaha waan kuu soo koobayaa ee jawaab na qancisa noo sheeg. Marka hore yaad u shaqaysaa? Yaa kuu madax ah? Qaynuun ahaan, sida dastuurku sheegayo waxaan filayey in Raiisul Wasaaruhu uu meesha ku keenay oo aad ka mid tahay golaha uu soo xushay in ay u shaqayaan si ay u hormariyaan wadanka. Waxaad noo cadaysay in dad kale uu meesha ku keensaday kuguna hayo. Sidoo kale, Raiisul Wasaaraha (RW) waxaa imtixaanka ka qaaday madaxweynaha, isagaana shaqada ka eryi kara. Haatanna warku na soo gaar in shaqada laga eryayo. Adigase aan shaqada lagaa eryi Karin. Maqalnay in Raiisul Wasaare Cumar uu rabay in uu shaandhayo dawladiisa, hase yeeshee raga meesha kugu haya in ay diideen in shaqada lagaa eryo. Hadaba noo caday in aad Shariifka u shaqayso iyo in aad Cumar u shaqayso (Who is your boss?). Constitutionally the Prime Minister is your boss. But who are we kidding? Who gives a monkey’s red @$$ about the constitution?).
Mid kalena walaalow naga qanci: Sideebaan idiin aaminaa hadii aad noqoteen dad wadanka gadanaya ee hadba kii lacag idin siinayaa aad ka gadaysiin? Seed ku haweysateen in aad dhul Somaliyeed aad wadama qalaad ka gadaan?
Walaal bal noo caday xumaha aad u qabto inta uu la egyahay; maxay kaa halayeen? Yaa kugu diray? Prof. Ibbi, hadalku adiga iyo kooxdaada ayuu u dhacayaa, xulufadaadu aan magacyadooda halkaan lagu soo koobi Karin way kugula jiraan.
Prof. Ibbi, walaal dhaqaalaha aan cashar kaaga dhigo (Econ 101). Xarun tababar hadii laga furo Puntland, shirkadda wax ka dhiseysa waa Somali, shaqaalaha ka shaqaynaya waa Somali, qofka wax ku baranaya waa Somali, waxa ay anfacayso waa Somali, dadka taba barka ka soo qalin jebiyaa waa Somali, dadka ay wax ugu qabanayaan waa Somali. Halkii shilin ee la geliyo wuxuu dhalayaa shilimo kale (Keynesian multiplier).
Erayga aan hoosta kaaga xariiqay oo kuugu celceliyey waa Somali. Ma dareentay in aanan oran reer Puntland baa ka faaiidaysanaya, ee waxaan iri Somali baa ka faaiidaysanaya. Sababtuna waa waxa aan ku arkay Puntland oo aan kala qoqobin ummadda Somalida ee ku nool Puntland (Qabiil walbana way leeyihiin, haka yimaadaan bari ama bogox, woqooyi ama koonfur). Waxaa dadku ka dhadhamiyeen erayadaada iyo siyaasadaada in aad ka soo horjeedo gobolka Puntland iyo dadka sheeganaya Puntland.
Waxaa tiri Jabuti ayaa laga samaynayaa xarun lagu tababaro kooxaha la diriraya burcad badeeda ee ka wada dhexaya wadamada Ethiopia, Kenya, Yemen, Eritrea, Somalia iyo wixii la halmaala. Waa marka horee, arrinta burcad badeedka ma khusaysoo wadamadaas, ee waxa ay khusaysaa Somalia oo keliya, waa midda kale, xataa hadii ay ka qayb gelayaan tababarka, way ku taba baran karaan Puntland. Weli waxaa maskaxdayda ka yeereysa afartii doonyood ee Puntland aad u diiday. Ka sii gudub, oo dhanka kale jaleec. Ogowe uma aad horaysiin dad dhul Somali leedahay gata. Ducaaleba Jabuuti gaday, dadka cusubi iyo dhallin yarada waayadaan dambe lama socdaan, hase yeeshee adiguba horay u maqashay Jabuutidaan u qaylin jirey xorriyadeeda in dad hoosta ka gadanayeen. Ma xasuusataa: “Ka soo hoyo, ka soo hoyo, hoororka iyo waraabaha; Jabuutaay ka soo hoyo”. Taas dadbaa madaxa u xiirtay, dameerana u koraye ha moogaan. Middi waa kugu ceeb oo waa in aad ummadda Puntland aad ugu maah-maahdo “dhurwaa”. And I quote what you said: “Can Anyone Trust a Hyena to Take Goats to The Field? “ Amay adiga kugu haboontahay in dhidar laguugu maahmaaho. Hadee anigu ma rabine, iyadaa maah-maahdu meesha soo martay. “Dhurwaa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb”. Boowe markaan waa lagaa ridayaa.
Mid waa iga su’aal ee shariifka ii weydiiya: Wadamada kale ee aad yaboohsiga ka doonatay tagtaye, maxaa Puntland iyo Somaliland u tegiweysey? Mise xamar iyo agaagarkiisa keliyaad madaxweyne u tahay? Goormaad gaareysaa heer aad Somalida aad u sinaato oo dadka aad isku hareeraysay ee kuu ah (qorshe dejiyayaasha) aad qabiilada kale ku soo dari doontaa. Eebow, hortaahaa jidkaa la maray, meelna lagu gaari waa. Hadii ay arrintu tahay baqdin aad ka baqaysid in lagugu dilo Somaliland iyo Puntland, anigaa runta kaaga sheegaya. Amnigu waa fiican yahay, adigana laguuma dan laha, ee iyagaa dhexdooda isu dan leh. Dhaarbaan kuugu marayaa in aan lagu taaban hayn. Suura gal in wadaadadii kaa soo cararay ay ku maagaan, hase yeeshee kuwa fir ahaan uga soo jeeda goboladaas in aaney ku maagi hayn.
U sheega: Taariikhda waxaa loo bartaa in aan qaladadii horay loo galay aan loo noqon. Aan kula taliyee, Mareykanka ha u soo kicitimin adoon cagta ku soo dhifan Puntland iyo Somaliland. Walba markaad soo kicitimeydid Mareykanka, Puntland iyo Somaliland soo mar, oo midba maalin soo joog, ceebtana iska soo dhaq. Su’aasha labaad eed Shariifka ii weydiisaan waa “Maxaa ka jira in Ra’iisul Wasaaraha aad shaqada ka eryeyso?” Sow ma hayn in aad barlamaan-ku-sheegga in aad dhex dhgto? Aryaa waa ilaawey in saddex meelood oo laba meel aad adigu keensatay. Marka su’aal kale ha la ii weydiiyo Shariifka. “Sow baarlamaankaasi ceeboobi mayo, dadkuna ma ogaanayaan in aaney ahayn shakhsiyo aad adigu keensatay ee aan qofna soo dooran?” ii shheg hadii uu ku jiro hal qof oo qabiilkiisu raali ka yahay oo xataa caaqil, nabadoon, kaba qabiil, issin, malaakh, garaad, beeldaaje, Islan, suldaan, iimaan, boqor, amiir iyo wixii la mid ah ay soo doorteen ama goobta keeneen? Xaad ku diidee in ay kulligood yihiin jinni boqor? Mid kalena waan ku weydiin lahaa: “Xey ku dhacday markii jeeg iyo luf-luf la raadsaayo, RW Cumar in laga tagao, ee Xamar dhex joog la dhaho?” Haatan ma runbaa in aad ka soo tegeyso Ra’iisul Wasaare Cumar? Xaadse kala kulmee Mareykanka hadaad Cumar ka soo tagtid?
Suaasha kale waxaan ku riixayaa maamulka Puntland. Maqalnay in RW Cumar Cabdirashid laga qaadayo jagada Raiisul Wasaaranimada. Heshiisyadii aad la gasheen Dawlad Dhexe ku sheegga ay ahaayeen hawtul hamag. Hadaba goormaad ka giriirixaneysaan xumaha iyo ceebta dusha la idiinka tuuray? Aniga iima aha in mid mahbar ah laga qaado mid kale oo mahbar ah loo dhiibo. Hadey taasi dhacdo, waxaa sidaa kula heshiiyey maamulka Puntland. Waa la ogaa in la idin khiyaamaynayo, idinkuna waad ogaydeen, hase yeeshee goormaad baraarugeysaan? Madaxweyne Faroolow doofaarka, aakhiro ficil darraa loo cadaabaa. Markaana waa kaftankaygii, ee Boowe Faroole, Puntland hal doqon bay leedahay, kiina aniguu noqday. Yaan doqonka warkiisu rumoobin, hadii kale dadku dhankaagey soo eegayaan. Hadaba maamulka Puntland war cad aan ka maqalno, dhidarkana yur dhaha. Shariifka iyo Awes waa heshiis, ee midkood gobolkooda dawlad ha ka soo dhiso, markaas ka dib Federal ha laga hadlo. Anigu lama yaabani in Riyaale isku mid ka dhigo Koonfur iyo Puntland, walowba uu heshiis la galay Shariifka. Madaxweyne Faroolow warkaagu ha cadaado, ee muluq-muluqda naga daa, rajana ha ka qabin in aad Somaliya Madaxweyne u noqoto inta yeydu is daba ordeyso. Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Dawac aan dawaciisa kaa dhjicin dawac ba’ay iga dheh”. Xumaan kaftanka ha u qaadanin, waayadaan dambe baa bahalo qaab daran la isugu maah-maahayeye.
Markaanna waa hoga tusaalayntayda waxgaradka Somalia. Waxgaradka ku fekeraya midnimada Somalia iyo horuumarkeeda waa kan gaara maskax caafimaad qabta iyo sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa isu soo celinta ummadda Somaliyeed. Dhibtu waxay ka taagan tahay inta wax garadow aad ku hamineyso ceebaha kadiifadda hoosteeda ha lagu qariyo, aynuna heshiino, wax Somalia u soconaya ma leh. Ilaa aynu gaarno in la soo qab-qabto, intii dembiga ka gashay Somalia, intii ummadda xasuuqday, intii dac-darraysa wadanka, kuwa ku danaysay, kuna hodmay dhibta ummadda iyo wadanka, iyo inta wadanka gadatay oo maxkamad la keeno, dembigoodana lagu qaado.
Horta hore wax-garadku ma ku fekereen in ay samaystaan ururo qarsoon oo ugaarsada intii xumaha wadanka ku soo samaysay iyo inta haatan xumaha ka wada wadanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisaa la yiri. Waxaan hubaa in ay adagtahay sidii lagu heli lahaa urur ay xubno ka yihiin dad qabiilka ka hufan oo u soo jeensada danaha guud ee ummadda iyo wadanka. Waxaanse ogahay, hadii ururkaasi jiri lahaa in inta wadanka dhibta ku wada ay kala yaaci lahaayeen, kuwa dibadda jirana ay dhuuman lahaayeen, aragoodana la waayi lahaa. Waan hubaa in kuwa tuugada ah ee mabda’yada faraha badan ku aqdaamanaya, kuwa diinta beenta ah sheeganaya ee dadka ku dhacaya, kuwa qabiilka soo hulaabanaya, kuwa wadaninimada beenta ah sheeganaya in ay wadanka oo dhan (Koonfur, Puntland, Somaliland) ay ka soo wada carari lahaayeen, aragoodana la waayi lahaa.
Ku Mahadsanid akhrinta iyo waqtiga aad gelisay
Filed under: Uncategorized