Daacuun oo mar kale dhaliilay Shariif


 

Cali Daacuun oo ah Siyaasi taageera Xizbul islaam, ayaa mar kale dhaliilay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DFKMG Ee Somaliya

Cali Daacuun ayaa Waraysi xiisa badan siiyey Idaacada Daljir ee magaalada Bosaso, waxana u ka hadlay arrimo badan oo aay ka mid yahiin soo gelintanka Ciidanka Ethiopia ee gobolka Hiiraan, iyo waliba Midnimada Alshabaab Iyo Xizbul islaam

Cali Daacuun ayaa ugu horreyntii waxa u sheegay Ciidanka Ethiopia ee soo galay Magaalada Baladweyne u sii weyn ugu fududeyey soo gelintanka Baladweyne

Waxan u sii weyn ugu eedeyey soo gelintanka Baladweyne Shariif Sheekh Axmed, isaga oo sheegay inu Shariifku uusan aheyn Madaxweyne Isla markana waxa u Daacuun sheegay in Shariifku yahay Hoggaamiye Dowlada Carta waxa u ku tilmaamay

Sidoo kale Cali Daacuun ayaa sheegay in Ahlu Sunna yahiin kuwa u adeega dowlada Ethiopia Sidaa u sheegay, waxana u sheegay magaca aay wotaan inu yahay magac aay ku been abuurteen

Cali Daacuun ayaa sidoo kale sheegay inu booqday Muqdisho, waxana u sheegay inu muddo shan cisho ah ku sugna halkaasi oo u la joogay Xizbul islaam sidaa u yiri

Mar u ka hadlayey Midowga Alshabaab iyo Xizbul islaam waxa u sheegay in aay dhowaan midoobi doonan weliba isaga oo rajeyey ina aysan bisha ramadaan dhamaan

Dhanka kale Cali Daacuun ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha DFKMG ee Somaliya Cumar Cabdirashiid uusan metelin Shacabka Puntland ama Beelaha Harti sidaa hadalkiisa laga dhadhansan karo, waxana u sheegay in Cumar cabdirashiid u yahay nin Safiirnimo loo diiday xiligii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, kadibna u Shirkii Jabuuti ka qeyb galay isaga oo quus ah balse nasiibku siiyey Xilkaasi, waxana u diiday Cali Daacuun in Cumar Cabdirashiid yahay qof metela shacabka Puntland

Waraysiga Cali Daacuun Halkaan ka dhegeyso

Cali Daacuun ayaa ah nin siyaasi ah oo asal ahan ka soo jeeda Gobolka Sanaag waxana u intaa badan dhaliila Siyaasada Madaxweyne Shariif oo aay mar saxiibo ku ahayeen la dagaalankii Dowladii Md. Cabdullaahi Yusuf Axmed

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers