Kulan aay soo qaban qaabiyeen Barbaarta Maakhir oo ka dhacay Nairobi

Xalfad ay soo qaban qaabiyeen Goloha Barbaarta Maakhir ayaa Abaaro Saacadu markii ay ahayd 4:00 galabnimo Xiliga Bariga Africa si toosa uga Furmay Hotel karmal oo ku yaala Xaafad Islii ee Waqooyi Bari Nairobi,Xalfada ayaaw waxaa kasoo qayb galay Marti sharaf badan oo isugu jirta Xildhibaano Odayaal iyo qurbo Joog iyo Ganacsato


Xalfadan ayaa waxaa soo qab qaabiyay Goloha Barbarta Maakhir oo Mudooyinkii u dambeeyay oo dhan ku hawlanaa Sidii Shir Balaadhan oo ay kasoo wada qayb gasho Beelweyta Warsangali ee ku dhaqan Magaaladda Nairobi  oo ay islamarkaana kaga tashan lahaayeen ayaahooda.

 

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay oo islamarkaana la u soo casuumay  Xildhibaan Cawad Axmed Casharo Ganacsato iyo waliba qurba joogta beesha Warsangali sidoo kale waxaan ka madhnayn Odayaasha iy dhalinyarada Haweenka iyo Caruunta oo si weyn usoo buux dhaafshay Meesha kulanku ka dhacayay
Kulan ayaa sidii awalba caadada ahaan jirtay waxaa lagu furay Aayadaha quraanka kariim waxaana  akhiryay Fadiilatu Shiikh Axmed Daahir waxaa ayaadaha quranka kadib la guda galay Xalfadii waxayna ku bilowmatay Jawi farxadeed iyo dagnaansho.
Markii la guda galay Kulanka ayaa waxaa lagu Soo dhaweeyay Gudoomiyaha Ururka Golaha  Barbaarta Maakhir Saleebaan Cismaan Saalax wuxuuna ka warbixiyay Waxyaabihi uu qabtay Mudadii yarayd ee uu jiray Ururuku  isagoo hadalkiisa soo wata ayuu wuxuu sheegay inay Labo qorshe ku guulaysteen oo aad u dhib badanaa iyo inay Sameeyeen Sanduuq wax laga labaxo markii la yeesho Muraad
Waxa lagu Xejiyay Oday Maxamuud Xaaji oo marka hore u mahad Celiyay Dhalinyaradii kulanka soo agaasimtay kadib mahadintaa wuxuu ka hadlay sida uu arko Waxqabadka dhalinyaradu muujiyeen sidoo kale wuxuu sheegay inuu la socday bilowgii Ururka islamarkaana uu talooyin badan markaa siiyay.
Halkaas markii ay maraysay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Microphone-ka Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo h Siyaasi ruugcadaaya oo islamarkaana  Ku xeel dheer arimaha Siyaasada,Xildhibaan Casharo ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Dhalinyaradii Kulan kasoo shaqeysay wuxuuna ku amaanay dadaalka fiican ay sameeyeen wuxuu kasoo sheekeeyay Taarikhda dheer ay leedahay Beelweynta Warsangali hore iyo gadaalba wuxuu sidoo kale Xildhibaanku ka hadlay Xaaladda Cakiran ee ay ku jiraan Dadka Soomaaliyeed iyo dhulka Soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay Masiibadaa intaa leeg ee waxa qudha ee lagag bixi karaa ay tahay in ilaahay loo noqdo oo loo toobad keeno Macaasi farabadan baa ka dhacday Umada Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cawad Axmed Casharo ayaa wuxuu u sheegay Martishartii kasoo qeyb gashay Xalfada in la ashkateeyo Dowlada Dalka Ingiriiska Ashkateyntaas ayaa wuxuu Xildhibaanku ku Macneyay inay tahay Balan qaad uu hore ay dowlada England u fidisay Beelweynta Warsangli oo ay markaa heshiis galeen
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku booriyay inay dhalinyaradu wax bartaan isagoo tilmaamay dalka aynu  hada joogno inay aad iyo aad u fiicantahay Waxbarashadiisu oo laga faraqabsado wuxuuna dhalinyarada u sheegay siiba intooda Dugsiga Sarre Ashaadadiisa haysata inuu uga dooni doona Dowlada KMG ee Somalia   Scholarship
Cawad Axmed Casharo oo ay khudbadiisu aad u dheerayd oo aanan soo wada gudbin karin ayaa waxaan ku soo gababaynaynaa Sitadatan “Meeshan aynu hada kulanka ku leenahay waa meeshii ay Lo’diisu u daaqi jirtay Cali Aadan Loodh oo islamarkaana ahaa Xildhibaankii ugu hereeyay ee Somali ku yeelato Dowlada kenya ee marka Xornimada heshay Warsangali Daaharaha ugu caansan ee Yamen yaga iska leh waa dad Taariikhda Caynkaasa leh”
Ciise Xawar oo kamid ahaa Dhalinyaradii qurbaha Fog ka timi ayaa wuxuu Codsaday in uu ku hadlo magaca Dhalinyarada isagoo kagtamayan wuxuu yiri”anigu waxaan booska ku qabsanayaa dhalinyarada kulankan soo agaasimtay”
Waxaana kamid ahaa Hadaladiisi”anigu halkan waxaan joogay mar ay Warsangali intan ka tira badnaayeen mana aysan jiran Cid sidanoo kale kulan wada yeelata waxaa laga yaaba in mar mar hawli soo karodho in la isu yimaado laakin Mudadii aan joogay ma aanan arag Cid isuti maada waaa wax lagu farxo in Maanta kulan ay isugu yimaadaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Beelweynta Warsangali ee ku dhaqan
C/naasir Saalax oo kamid ahaa Dadkii ka yimi wadamada Dibada gaar ahaan Wadanka Canada ayaa si weyn ugu mahad celiyay Dhalinyaradii kulan soo qaban qaabisay isagoo ka cudurdaartay Afsoomaliga oo uusam sifiican u aqoon Laakin mar uu ka hadlayay Beesha Warsangali ee ku dhaqan Wadamada Dibada sida aysan u shir oo aysan iskaga war heyn
Abwaan C/casiis Axmed oo halkaa gabay qiiro leh ka tiriyay oo kusaabsanaa Maakhir

Madficii iyo dagaalada wuxuu moodku aafeeyey

Mareegtada sabaanka wuxuuu saamee yey ee helay

Maxastiyo ciyaalkii markuu mudanayey uurdooxa

Afrtaa miim oo wada musiiba ah meel maku cadeeyey

Afarkalana mamulkaan Somali larabyo mudanka aan radshay

Maamulkii puntland baa makhraatia aan muda anigu diirkiisa

Maamulkii galbeed iiga yimi aan marshay mudankii uu yeshay

In kastay magacii wlaal iigu qaldeen meher xalaalaysi

Afarkalana miim aanrabo iyo midh iska sheegayga

Marka hore waa maakhir iyo micnaha arygiisa

Waa magicii loo mitiday oo midig ku naafawday

Waa loo dhashee moodkee ragi ku madhanaayey

Maatan waa magicii noo matali magicii reerkeena

Afarkalan waa marsad laasqoray mudan inaan sheego

Waa marsadaan inaan kamariyo magaca diihalka

Waa marsadaan rabo marna inaan kamqal magic rer rersi

Waa marsadaan kuxusi inata mudan magaca soomaali

Wa marsadaan rabo inaan ugu magacdaro maxamud ina garaadkiye

Maakhirna waa steta noo matali magic reerkeena

 

                 
Ciise Xawaran oo ku hadlayay Magaca dhalinyarada isagoo markaa ka cudur daartay inuu ku hadlo magaca ganacsatada

 
    C/qaadir Khaliif C/nuur (Saban Tuulo) oo kamida Odayaasha Magaaladda Nairobi




Haweenkii kasoo qeyb galay Xalfada

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo hadlaya

G/kuxigeen Cali Siciid Faarax Bille
    C/naasir Saalax oo kamid Jaaliyada Canada

Xassan Khaliif oo ah aqoonyan Reer Sanaaga
       Saalax Baarleex oo kamid ahaa qurba joogta
  Abwaanka dada yar ee C/casiid Axmed oo halkaa gabay ka tiriyay
    G/Saleebaan oo Ashahaado Sharaf gudoonsiiyay Xildhibaan Casharo
   Xildhiban Casharo oo gudoonsiinaya Ashahaado Sharaf Biyoole
   Xildhibaan Casharo oo Ashahaado Sharaf gudoonsiiyay Cali Cabdi Warsame
   Xildhibaan casharo oo gudoonsiiyay Ashahaado Sharaf  Xaawo

       Xildhibaan Casharo iyo Wariye Feyte
 
Wariye Liibaan Cabdirashiid Siciid
Liibaan5711@hotmail.com
Nairobi_Kenya